Geelgub,Shabeellaha Dhexe – Afar qof ayaa ku dhintay, Sagaal kalena waa ay ku dhaawacmeen, kadib qarax miino oo lala beegsaday gaari dadweyne oo noociisu yahay “caasi”, kaasoo marayay Geelgub oo ah meel u dhow deegaanka Xaaji Cali ee gobolka Shabeellaha Dhexe.
Qaraxa ayaa dhacay abaare 11:40 barqanimo maanta, xilli gaarigu uu siday 13 qof oo rakaab ah. Wararka ayaa sheegaya in gaariga lagu beegsaday miino dhulka lagu aasay, taasoo si xun u waxyeelaysay dadka saarnaa. Dadka dhaawacmay ayaa loola cararay magaalada Muqdisho si loogu helo daryeel caafimaad oo degdeg ah.
Geelgub, oo ah halka uu qaraxa ka dhacay, ayaa ku dhow deegaanka Xaaji Cali. Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa laba maalmood kahor ku dhawaaqday in deegaankaas laga saaray kooxda Al-Shabaab, isla markaana ay si buuxda gacanta ugu hayso.
Ilaa hadda ma jirto cid si rasmi ah u sheegatay mas’uuliyadda weerarkan.