Qodobada Ugu waaweyn Wararka dunida oo kooban.
Muqdisho
Madaxweynaha Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa ballan qaaday nabadgelyada iyo badqabka ciidamadii ka tallaabay xuduudda Kenya kadib dagaaladii kadhacay gedo , isagoo ku amray in ay dib ugu noqdaan deegaannadoodii.
Muqdisho
Safaaradda UK ee Muqdisho iyo Premier Bank Soomaaliya ayaa kala saxiixday heshiis iskaashi oo hoos tagaya barnaamijka deeqda waxbarasho ee Chevening ee UK, kaas oo lagu taageerayo hal arday oo Soomaaliyeed ,si uu ugu barto shahaadada Master-ka ee halka sano ah , gudaha dalka ingiriiska sannad-dugsiyeedka 2025/2026.
Hargeysa
Wasaaradda Arrimaha Gudaha iyo Amniga ee Somaliland ayaa ku dhawaaqday in laga bilaabo maanta 13-ka Agoosto 2025 ey mamnuuc tahay soo dejinta baabuurta aanay xabadu karin iyo gawaadhida dusha bannaan, kuwaas oo bulshada qaar u yaqaanaan qabaalka.
Falastiin
In ka badan 100 carruur ah ayaa u geeriyootay nafaqo-darro iyo gaajo ka jirta Marinka Qaza ee go’doonsan, xilli Israa’iil ay sii adkaysay go’doominta deegaankaas, sida uu Arbacadii sheegay Madaxa Hay’adda Qaramada Midoobay u qaabilsan Qaxootiga Falastiiniyiinta (UNRWA).
Lubnaan
Xoghayaha Golaha Ammaanka ee Iran, Cali Laarijaani, ayaa sheegay in Tehran ay garab taagan tahay shacabka Lubnaan xaalad kasta oo ay ku jiraan. Hadalkaan ayuu yeeshay xilli uu yimid Garoonka Caalamiga ah ee Rafik Xariiri ee Beirut, Laarijaani ayaa sheegay inuu la kulmi doono hoggaamiyeyaal dhowr ah oo Lubnaaniyiin ah, oo ay ku jiro Madaxweynaha Joseph Aoun.