Monday, September 1, 2025
Array

Qodobada ugu waaween Wararka Dunida oo kooban.

Muqdisho (Dawan)- Qodobada ugu waaweyn wararka dunida oo kooban waxaa ka mid ah:

Serbia

Wafdi uu hogaaminayo Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya, Xamsa Cabdi Barre, ayaa gaaray caasimadda Serbia, Belgrade, iyagoo bilaabaya booqasho rasmi ah oo lagu xoojinayo xiriirka laba geesoodka ah ee labada dal.

Afghanistan

Ugu yaraan 800 qof ayaa ku dhintay, in ka badan 2,500 kalena way ku dhaawacmeen kadib dhulgariir xooggan oo ku dhuftay bariga Afghanistan, iyadoo intaasna uu kasii badsan karto maada uu socdo gurmadkaa weli sida ay sheegtay Wakaaladda Wararka Anadolu.

Muqdisho

Maamulka Gobolka Banaadir ayaa amray in calanka Soomaaliya laga taago dhammaan iskuulada ku yaalla gobolka benaadir, si kor loogu qaado waddaniyadda ubadka Soomaaliyeed.

Muqdisho

Howlgalka Midowga Afrika ee Taageerada iyo Xasillinta Soomaaliya (AUSSOM) ayaa sheegay in wafdi ka kooban 16 xubnood oo ka tirsan Ciidanka Xoogga Dalka Masar ay soo gaareen magaalada Muqdisho, si ay u sameeyaan indho-indheyn ka hor inta aan la keenin cutubyo ciidan oo Masar ah oo qeyb ka noqon doona AUSSOM.

Garoowe

Dowlad Goboleedka Puntland ayaa taageero buuxda u muujisay Madasha Samatabixinta Soomaaliyeed, iyagoo adkeeyay in Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud uu doorashada madaxweyanaha waqtigeeda lagu qabto oo ayasan aqbalayn mudoo kordhin.

Share this article

Recent posts

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here