Muqdisho (Dawan)- Qodobada ugu waaweyn wararka dunida oo kooban waxaa ka mid ah:
Lampedusa
Ugu yaraan 27 qof, oo ay ku jiraan gabar hal sano jir ah iyo saddex aan wali qaangaarin, ayaa ku dhintay, halka tiro kale oo badan la la’yahay, kaddib labo doon oo ay la socdeen muhaajiriin mid ka mid ahna ay saarnaayeen muwaadiniin Soomaaliyeed ay ku qalabmeen Badda Mediterranean-ka, meel u dhow jasiiradda Talyaaniga ee Lampedusa, sida ay xaqiijiyeen masuuliyiinta Talyaani ah maanta oo Khamiistii.
Muqdisho
Ka dib shan kulan oo socday muddo bil iyo bar ah oo u dhexeeyay Madaxweynaha Soomaaliya iyo Madasha Samatabixinta Soomaaliyeed, weli waxaa taagan is-mari-waa ku saabsan doorashooyinka iyo wax-ka-beddelka dastuurka. Madaxweynaha ayaa ku adkaysanaya in la qabto doorasho qof iyo cod ah, halka mucaaradku ay dalbanayaan in laga wada hadlo qaabka doorasho, iyagoo ku doodaya in aanay macquul ahayn. Xitaa waxay codsanayaan in gebi ahaanba laga laabto cutubka 4-aad ee dastuurka ee la ansixiyay.
Muqdisho
Maamulka Gobolka Banaadir ayaa bilaabay dhismaha waddada Saddexda Geed ee degmada Shangaani, taas oo qayb ka ah barnaamij ballaaran oo dib-u-dhis loogu sameynayo waddooyinka, lana fulinayo iyadoo loo marayo wajiga labaad ee Mashruuca Adkaysiga Magaalooyinka Soomaaliya.
Muqdisho
Maamulka Gobolka Banaadir ayaa ku dhawaaqay natiijada imtixaanka shahaadiga ah ee fasalka 8-aad ee sanad dugsiyeedka 2024–2025, iyadoo gabdho ay galeen saddexda boos ee ugu horreeya, sida lagu sheegay xogta rasmiga ah ee maamulka.