Saturday, July 27, 2024

Isku aadka Qaramada Yurub oo la sameeyay

Hamburg (Dawan)- Isku aadka Koobka Qaramada Yurub (Euro 2024) ee lagu qaban doono dalka Jarmalka, ayaa lasoo saaray.

Munaasabad ka dhacday fiidnimada Sabtiga hoolka bandhiga ee Elbe Philharmonic ee magaalada Hamburg, ayaa lagu shaaciyay sida ay xulalku isku arki doonaan tartanka Qaramada Yurub ee 2024.

Xulka Germany ee marti gelinaya koobka ayaa galay Group isku dheeli tiran balse Gruoup B ayaa loo caleema saaray inuu yahay Group-ka dhimashada maadama ay ku wada jiraan xulalka Spain, Italy, oo heysta Koobka iyo Croatia, Waxaa iyaguna Group D isku arki doona Farance iyo Netherlands.

Ciyaarta furitaanka ayaa xulka Jarmalku waxa ay garoonka Allianz Arena ee magaalada Munich kula kulmi doonaan dhigooda Scotland 14-ka bisha June 2024, waxaana kulanka ugu dambeeya lagu ciyaari doonaa garoonka Olympic Stadium ee caasimadda Berlin 14-ka July 2024.

Share this article

Recent posts

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here