Sunday, August 17, 2025
Array

Qodobada ugu waaween Wararka Dunida oo kooban.

Muqdisho (Dawan)- Qodobada ugu waaweyn wararka dunida oo kooban waxaa ka mid ah:

Muqdisho

Guddiga Madaxa Bannaan ee Doorashooyinka Qaranka iyo Soohdimaha ayaa maanta ku dhawaaqay in 30 october in ka badan 800,000 oo qofood ay u dareeri doonaan koobaha codbixinta ay ka dhaceyso, iyaga oo isla maantana ku dhawaaqay in la soo gabagabeeyay diiwaan gelinta codboxoyaasha goleyaasha deegaanka gobolka banaadir oo socotay muddo 4 bilood ah.

Muqdisho

Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa maanta ku dhawaaqday hirgelinta Qaab-dhismeedka Danabeysan ah ee Maareynta Maaliyadda Guud (PFM), barnaamij cusub oo loogu talagalay casriyeynta nidaamka maaliyadeed ee dowladda iyo xoojinta daahfurnaanta.

Muqdisho

Hay’adda Sirdoonka iyo Nabad-sugidda Qaranka (NISA) ayaa sheegatay in ciidankeeda oo kaashanaya saaxiibada caalamiga ah ay saddexdii maalmood ee lasoo dhaafay fuliyeen hawlgallo ka dhacay gobollada Hiiraan, Shabeellaha Dhexe iyo Galgaduud, kuwaas oo ay ku dileen ugu yaraan 11 xubnood oo Al-Shabaab ah, isla markaana ay ku burburiyeen gaadiid iyo saanad ciidan.

Muqdisho

Shirkadda Hormuud Telecom ayaa maanta ku dhawaaqday in adeeggeeda EVC Plus mar kale la siiyay Shahaadada Adeegyada Maaliyadeed ee Moobeelka (GSMA) ee Ururka Isgaarsiinta Moobeellada Adduunka.

Muqdisho

Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa maanta tacsi u diray dalka Pakistan, kaddib daadad ku dhuftay dalkaas oo sababay dhimashada in ka badan 300 qof iyo burbur baahsan.

Alaska

Madaxweynaha Mareykanka Donald Trump iyo Madaxweynaha Ruushka Vladimir Putin ayaa Jimcihii sheegay in wadahadalladoodii ka dhacay Alaska ay ahaayeen “horumar weyn,” hase yeeshee ay qirteen inaan heshiis laga gaarin sidii loo soo afjari lahaa dagaalka Ukraine.

Share this article

Recent posts

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here