Muqdisho (Dawan)- Qodobada ugu waaweyn wararka dunida oo kooban waxaa ka mid ah:
Jabuuti
Wasiirka Arrimaha Dibadda ee Jabuuti, Cabdulqadir Xuseen Cumar, ayaa ka qaybgalay furitaanka Shirka Wasiirrada ee Shirweynaha 9-aad ee Caalamiga ah ee Horumarinta Afrika (TICAD 9), kaas oo Talaadadii ka furmay magaalada Yokohama ee dalka Japan, sida ay werisay wakaaladda wararka Jabuuti (ADI).
Muqdisho
Golaha Mihnadlayaasha Caafimaadka Qaranka (NHPC) ayaa si cad u beeniyey manata warqad lagu faafiyey baraha bulshada oo sheegaysay in goluhu soo saaray amar lagu mamnuucayo xayeysiisyada adeegyada caafimaadka ee dalka.
Jabuuti
Kadib bilo abaaro ah, roobab culus ayaa galabnimadii isniinta ka curtay caasimadda Jabuuti iyo gobollo badan oo dalka ka mid ah, kuwaas oo saameyn kala duwan yeeshay. Roobabka ayaa si xooggan uga da’ay degmooyinka caasimadda iyo gobollada Ubukh, Tadjourah, Dikhil, Ali Sabieh iyo Arta.
Sitti
Madaxweynaha Dowlad-deegaanka Soomaalida, Mustafe Muxamed Cumar ayaa dhir beeris ku sameeyay xarunta warshadda dabaysha korontada ka dhalisa ee ku taalla degmada Aysha ee gobolka Sitti, taas oo qeyb ka ah olole dhir beerista ee ka socda deegaanadda dowlad deegaanka Soomaalida.
Dhuusamareeb
Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa xarigga ka jaray xarumo dowladeed oo cusub oo laga hirgeliyey magaalada Dhuusamareeb, caasimadda Galmudug, kuwaas oo mas’uuliyiintu ku tilmaameen tallaabo muhiim u ah dowlad-dhiska gobolka.