Monday, May 20, 2024

Dr. Maxamed Geedi oo loo magacaabay agaasimaha maamulka Premier Bank

Muqdisho (Dawan)- Guddiga maamulka sare ee Premier Bank ayaa si rasmi ah ugu magacaabay Dr. Maxamed Geedi Jimcaale agaasimaha maamulka Premier Bank. Tallaabadan ayaa looga golleeyahay la jaanqaadidda horumarka iyo isbeddelada dhaqaale ee dalka ka socda iyo hirgelinta qorshayaasha isku ballaarinta bangiga ee gobolka.

Dr Geedi waa shakhsi firfircoon oo ku xeel dheer maamulka iyo qorsha dejinta. Sidoo kalena waxa uu khibrad qoto dheer iyo waayo aragnimo u leeyahay istiraajiyad dejinta shirkadaha.

Waxa uu darajada koowad ee jaqmacadda ku heystaa maamulka, sidoo kale waxaa uu Master ku qaatay cilmiga maamulka shaqada iyo shaqaalaha isaga oo shahaadada darajada saddexaad ee PHD ka sameeyay istiraatijiyad dejinta, go’aan qaadashada iyo maamulka.

“Waxaa inoo dhashay waa kale oo cusub, waxaana hubaa in Premier Bank uu qaaday waddo dalka iyo bangigaba sii hormarin doonta in badan, waana in uu helay hoggaan cusub oo aan ku wada kalsoonahay”. Waxaa sidaas yiri, chairman-ka Premier Bank, Jibriil Xasan.

Dr Geedi ayaa dhanka kale leh khibrad iyo xirfad bangiyadeed oo dhaafsiisan 10 sano oo ku aaddan majaalka maaliyadda iyo qorsheynta maamulka.

Inta aan loo dooran guddoomiyaha Premier Bank, Dr Geedi wuxuu soo qabtay shaqooyin iyo jagooyin kala cayn ah sida, ku simaha guddoomiyaha bangiga, guddoomiye ku xigeen, madaxa shaqada iyo shaqaalaha, waaxda maaliyadda iyo waaxda maalgelinta bangiga.

Premier Bank waa bangi ganacsi oo gaar loo leeyahay oo shati ka heysta  Bangiyada Dhexe ee dalalka ugu waaweyn Bariga Afrika oo bixiya adeegyo maaliyadeed iyo mid Bangi.

Bangigu waxa uu xalal maaliyadeed oo dhammeystiran siiyaa macaamiisha oo ay ku jiraan shirkadaha gaarka loo leeyahay, hay’adaha dowliga ah, kuwa aan dowliga ahayn, shirkadaha waaweyn, shakhsiyaadka, ganacsiyada yar yar iyo kuwa waaweyn ee dalka.

Adeegyada uu Premier Bank bixiyo waxaa kamid ah; Adeegyada bangi ee Shakhsiyaadka, ganacsatada iyo shirkadaha, Mobeelka iyo Internet-ka, Mashiinada ATM-ka, Lacag dirista gudaha, dibadda iyo SWIFT-ga, Wakiil bangiyeedka Iyo dirista lacagaha heer caalami.

Premier Bank , waxaa la aas-aasay 2013, waa bangigii ugu horreeyay ee adeegyo bagiyeed oo digital ah ka hirgeliya dalka, isla markaana dalka ka hirgeliyay Mastercard. Waxa uu 62% iibsaday First Community Bank Kenya oo May 2023 loo bedelay Premier Bank Kenya.

Premier Bank ayaa Soomaaliya ku leh saddex xarumood oo ka kala yaal Muqdisho, Hargeysa iyo Baydhabo taas oo muujineysa muhiimmadda uu bangigu siinayo bulshooyinka iyo sidii ay u heli lahaayeen adeegyo maaliyadeed oo dunida hormurasan la jaanqaadaya.

Share this article

Recent posts

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here