Saturday, April 19, 2025
Array

Qodobada Ugu waaweyn Wararka dunida oo kooban

Muqdisho (Dawan)- Qodobada ugu waaweyn wararka dunida oo kooban waxaa ka mid ah:

Muqdisho

Kulankii maanta ee Golaha Shacabka daqiiqadihiisii ugu horreeyay waxaa hareeyay buuq ka bilowday  xildhibaano ka tirsan baarlamaanka kuwaas oo doonayay in ajandaha lagu daro mooshin ku saabsan xilka ka xayuubintii lagu sameeyay Xildhibaan Cabdulaahi Xaashi Abiib.Guddoonka Golaha Shacabka ayaa arrinkaas ka hor yimid isaga oo sheegay in xeer-hoosaadka u yaalla baarlamaanka uusan aqbali karin codsiga xildhibaanada.

Puntland

Hay’adda Qaramada Midoobay ee Isku-duubnaanta Gargaarka Bini’aadantinimo (OCHA) ayaa shaacisay in 800,000 oo qof oo ku nool Puntland ay wajahaan dhibaatooyin bini’aadantinimo oo ba’an, iyadoo xaaladda ka sii dareysay sababo la xiriira abaaraha iyo colaadaha ka socda gobolka.

Jabuuti

Shirkadda Dayactirka Maraakiibta ee Jabuuti (Djibouti Ship Repair Yard – DSRY) ayaa shalay si rasmi ah u bilaawday howlaha dayactirka maraakiibta, kaddib markii ay soo dhaweysay markabkii ugu horreeyay oo si buuxda loogu qabanayo adeeg dayactir ah gudaha dalka. Tallaabadan ayaa loo arkaa mid astaan u ah horumarka sii kordhaya ee Jabuuti ay ka samaynayso warshadaha badda iyo adeegyada la xiriira gaadiidka iyo ganacsiga xeebaha.

Puntland

Ciidamada Hawlgalka Ciribtirka Argagixisada ee Puntland ayaa dilay ku dhowaad 50 dagaallamayaal oo ka tirsan kooxda Daacishta Soomaaliya, kadib markii ay hawlgalo ka fuliyeen Togga Miiraale 24-kii saacadood ee la soo dhaafay.

Isra’il

kumanaan Israa’iil ah, oo ay ku jiraan xubno ka tirsan ciidanka iyo xirfadlayaal ka socda qaybaha kala duwan, ayaa saxiixay codsiyo iyo warqado ay Ra’iisul Wasaaraha Israa’iil, Benjamin Netanyahu ugu dalbanayaan, in uu heshiis la galo Falastiiniyiinta si loo joojiyo dagaalka socda ee Gaza loona sii daayo maxaabiista.

Share this article

Recent posts

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here