Sunday, April 13, 2025
Array

Qodobada Ugu waaweyn Wararka dunida oo kooban

Muqdisho (Dawan)- Qodobada ugu waaweyn wararka dunida oo kooban waxaa ka mid ah:

Antalya

Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa sheegtay in xiriirka ay la leedahay Itoobiya uu haatan wanaagsan yahay, kaddib dadaal dhexdhexaadin ah oo ay Turkigu ka sameeyeen khilaafkii siyaasadeed ee u dhaxeeyay labada dal. Sidaas waxaa shaaciyay Wasiiru Dowlaha Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ee Soomaaliya, Cali Maxamed Omar, isagoo ka hadlayey madal ka tirsan Madasha Diblomaasiyadda Antalya ee dalka Turkiga.

Soomaaliya

Hay’adda Laanqayrta Cas (ICRC) ayaa sheegtay in dagaallada ka socda gobollada Shabeellaha Dhexe iyo Shabeellaha Hoose ay si weyn u saameeyeen adeegyada ay bixiyaan xarumaha caafimaad ee ay hay’addu taageerto, iyagoo xusay in isbitaallada u dhow goobaha dagaalka ay wajahaan culays xooggan oo dhinaca daaweynta ah.

Hargeysa

Golaha Wakiillada ee Somaliland ayaa soo jeediyay in aanay xukuumadda Somaliland ka qayb noqon wada-hadal danbe oo lala galo dowladda Federaalka Soomaaliya. Qodobkan ayaa ka mid ahaa go’aan rasmi ah oo goluhu ansixiyay, kaasoo si cad u muujinaya in Somaliland gebi ahaanba ka laabaneyso wadahadallada ku saabsan Soomaaliya.

Antalya

Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo Dowladda Ukraine ayaa si rasmi ah u saxiixay heshiis lagu sameynayo xiriir diblomaasiyadeed intii lagu guda jiray kulan ka dhacay Madasha Diblomaasiyadda Antalya ee dalka Turkiga. Heshiiska waxaa kala saxiixday Wasiiru Dowlaha Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ee Soomaaliya, Cali Maxamed Cumar, iyo Wasiir Ku-xigeenka Arrimaha Dibadda Ukraine, Andrii Sybiha.

Puntland

Xafiiska Warfaafinta ee Hawlgallada Ciribtirka Argagixisada Puntland ayaa ka digtay in dadka reer guuraaga ah ee ku nool buuralayda Calmiskaad ay si degdeg ah uga fogaadaan deegaannada u dhow dhulka ay ka socdaan hawlgallada iyo duqeymaha waaweyn ee ka dhanka ah kooxda Daacish.

Jabuuti

Wasaaradda Caafimaadka jabuuti  ayaa si rasmi ah u shaacisay bilowga marxaladda koowaad ee ololaha talaalka dabaysha ee Jabuuti, kaas oo  socon doona laga bilaabo 12 ilaa 16 Abriil 2025, guud ahaan dalka.

Share this article

Recent posts

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here