Saturday, July 27, 2024

Midowga Afrika oo markale ugu baaqay dhinacyada Suudaan xabbad joojin

Addis Ababa (Dawan)- Midowga Afrika ayaa ugu baaqay dhinacyada ku dagaalamaya dalka Suudaan in ay joojiyaan dagaalka kana qeyb qaataan wada xaajooyada nabadda lagu raadinayo, sida lagu sheegay qoraal uu soo saaray Guddoomiyaha Midowga Afrika, Moussa Faki.
Qoraalka Guddoomiyaha ayaa lagu muujiyay walaaca uu Ururka Midowga Afrika ka qabo xaaladda amniga Suudaan ee sii xumaaneysa kadib markii ay dagaalado kusii fideen Magaalooyin cuusb.

Dagaalka u dhaxeeya Ciidamada Suudaan iyo xoogaga kasoo horjeeda ee loo yaqaano SRF ayaa ku baahay Magaalada Wad Madni ee Maamul Goboleedka Jazeera ee bartamaha Suudaan.

Kaamka Abu Shouk ee ku yaal Waqooyiga Darfur oo ay ku noolyihiin dad barakacayaal ah ayaa la kulmay weeraro maalmihii lasoo dhaafay, taas oo dhibaatada kusii kordhisay dad marki horaba qax ahaa.

Guddoomiye Moussa Faki ayaa caddeeyay sida ay uga go’antahay Ururka Midowga Afrika soo afjaridda colaadda Suudaan iyada oo lala kashanayo dhinacyada saameynta ku leh Gobolka.

Suudaan waxaa hareeyay iska horimaadyo rabshado wata oo qarxay 15-kii Abriil, 2023, kuwaas oo ka billawday khilaaf iyo isku dhacyo hubeysan oo u dhexeeya Ciidanka Suudaan iyo Xoogagga kasoo horjeeda ee RSF.

Hay’adda Socdaalka Adduunka ayaa sheegtay in in ka badan 6.3 milyan oo Suudaan ah ay ka qaxeen guryahoodii, iyaga oo ka cararaya dagaalka u dhexeeya dhinacyada iska soo horjeeda tan iyo bartamihii bishii Abriil.

Warbixinta Hay’adda ayaa lagu xusay in dagaallada socda ay si ba’an u saameeyaan dadka rayidka ah, iyada oo la soo warinayo xadgudubyo baahsan oo ka dhan ah xuquuqda aadanaha sida barakicin qasab ah iyo dilal.

Warbixintu waxa ay xustay in 4,955,538 qof ay ku barakaceen 5,312 goobood oo ku yaal dhammaan Gobollada dalka Suudaan.

Hay’adda Socdaalka Adduunka ayaa sidoo kale tilmaamtay tan iyo markii uu dagaalku dillaacay in 1,373,223 qof ay u qaxeen dalalka deriska ah, ee kala ah Chad, Koonfurta Suudaan, iyo Masar.

Share this article

Recent posts

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here