Sunday, June 22, 2025

Qodobada Ugu waaweyn Wararka dunida oo kooban

Muqdisho (Dawan)- Qodobada ugu waaweyn wararka dunida oo kooban waxaa ka mid ah:

Shabeellaha Hoose

Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed (SNA) iyo AUSSOM ayaa si buuxda ula wareegay deegaannada istiraatiijiga ah ee Sabiid iyo Caanoole ee Gobolka Shabeellaha Hoose, kuwaas oo ay ku sugnaayeen kooxda Al-Shabaab sida sheegeen Ciidanka Xoogga.

Muqdisho

Guddoonka Labada Aqal ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa maanta shaaciyay in Kalfadhiga 6-aad ee Baarlamaanka 11aad uu xirmi doono 22-ka Juun 2025, waxaana dib loo furi doonaa 22-ka Agoosto 2025.

Garowe

Dowlad Goboleedka Puntland ee Soomaaliya ayaa buuxisay booskii banaanaa ee uu ka geeriyooday 3-dii Diseembar 2024 Senatorkii hore ee Maxamed Cali Yusuf (Gaagaab).

Baarlamaanka Puntland ayaa doortay Cabdi Cabdullaahi Haashi Goley inuu buuxiyo booskaas Aqalka Sare ee Baarlmaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ee degaanka doorashadiisu ay tahay gobolka Mudug ee Puntland.

Qabribayax

Mashruuc biyo-gelin ah oo qiimahiisu gaarayo 21 milyan oo doollar ayaa laga dhagax dhigay 20 Juun 2025 Qabribayax iyadoo uu dhagax dhigay Madaxweynaha Dowlad Deegaanka Soomaalida, Mustafe Maxamed Cumar.

Hargeysa

40,749 oo arday ayaa maanta u fariistay imtixaannada sanad dugsiyeedka 2024-2025 ee Somaliland. Imtixaannadani, oo ay ka qeeb galayaan arday heerarka kala duwan ee waxbarashada ah, waxaa si rasmi ah ugu furay magalaada Hargeysa Madaxweynaha Somaliland, Abdirahman Maxamed Cabdillaahi Irro.

Aadan Yabaal

Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa shaacisay in howlgal qorsheysan oo ay si wadajir ah u fuliyeen Ciidanka Xoogga Dalka, Hay’adda Nabad Sugidda Qaranka (NISA) iyo saaxiibada caalamiga ah lagu dilay 12 xubnood oo ka tirsanaa kooxda Al-Shabaab.

Muqdisho

Shirka Golaha Wadatashiga Qaranka ayaa dib loo dhigay oo iyadoo la qorsheeyey inuu qabsoomo 15-ka Luuliyo 2025, sababo la xiriira diyaar garowga xuska toddobaadka Xorriyadda iyo ahmiyadda uu leeyahay.

Share this article

Recent posts

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here