Muqdisho (Dawan)- Qodobada ugu waaweyn wararka dunida oo kooban waxaa ka mid ah:
Muqdisho
Safaaradda Talyaaniga ee Soomaaliya ayaa si rasmi ah u shaacisay in la furay codsiyada deeqaha waxbarasho ee MAECI ee sanad-dugsiga 2025/2026, taas oo ay bixiso Wasaaradda Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ah ee Talyaaniga. Deeqdani waxay si gaar ah loogu talagalay ardayda ajaanibta ah oo ay Soomaalida ku jirto iyo muwaadiniinta Talyaaniga ee ku nool dibadda.
Hargeysa
Madaxweynaha Somaliland, Cabdiraxmaan Maxamed Cabdillaahi (Cirro), ayaa xalay si rasmi ah u shaaciyay mashruucyo horumarineed oo laga hirgelin doono degmada Ceel Afweyn, kadib markii la soo gabagabeeyay Shirweynihii Nabadaynta Beelaha ee deegaankaasi.
Aljeeriya
Jamhuuriyadda Jabuuti ayaa si rasmi ah u xaqiijisay kaalinteeda sii korodhay ee dhinaca ciyaaraha fudud kadib guulo taariikhi ah oo ay ka gaartay 24-aad ee Tartanka Ciyaaraha Fudud ee Carabta ee lagu qabtay magaalada Algiers, Algeria. Tartanka oo billowday 30-kii April 2025 ayaa maanta si rasmi ah loo soo xirayaa, iyadoo Jabuuti ay ku guuleysatay 6 biladood: saddex dahab, hal qalin, iyo labo maar.
Laascaanood
Hoggaamiyaha Dawlad Goboleedka SSC-Khaatumo, Cabdiqaadir Axmed Aw-Cali (Firdhiye), ayaa si diirran u soo dhoweeyey saraakiishii iyo ciidamada Puntland ee lagu soo daayay is-weydaarsigii maxaabiista ee u dhexeeyey Puntland iyo Somaliland.
Muqdisho
Hoggaamiyaha Dowlada Goboleedka SSC-Khaatumo, Cabdiqaadir Axmed Aw-Cali, iyo wafti balaaran oo uu hoggaaminayo ayaa si diirran loogu soo dhaweeyay Caasimadda Soomaaliya, Muqdisho.