Thursday, May 22, 2025
Array

Qodobada Ugu waaweyn Wararka dunida oo kooban.

Muqdisho (Dawan)- Qodobada ugu waaweyn wararka dunida oo kooban waxaa ka mid ah:

Hargaysa

Madaxweynaha Somaliland, Cabdiraxmaan Maxamed Cabdullaahi (Cirro), ayaa maanta u ambabaxay dalka Jabuuti, halkaas oo uga bilaabatay booqasho rasmi ah oo qaadan doonta muddo saddex maalin ah.

Garas Magan

Ciidamada Xoogga Dalka Soomaaliyeed iyo kuwa deegaanka ayaa 20-kii bishan May 2025 howlgal qorsheysan ka fuliyay deegaanka Garas Magan, oo ku yaalla inta u dhaxeysa gobollada Hiiraan iyo Shabeellaha Dhexe, iyagoo sheegay in ay beegsadeen xubno ka tirsan kooxda Al-Shabaab.

Dawo

Dowlad Deegaanka Soomaalida ayaa si rasmi ah uga bilaawday ololaha tallaalka xoolaha degmooyinka gobolka Dawo, gaar ahaan ariga, si looga hortago cudurrada halista ah ee ku dhaca xoolaha xilliyada roobka iyo cudurrada sambabada.

Algeria

Wafdi ka socda Dowladda Jabuuti, oo uu hoggaaminayo Xoghayaha Guud ee Wasaaradda Miisaaniyadda, ayaa si rasmi ah uga qaybgalay shirweynaha sanadlaha ah ee Bangiga Horumarinta Islaamka (IsDB) oo ka socda magaalada Algiers ee dalka Algeria.

Hargeysa

Madaxweynaha Somaliland, Cabdiraxmaan Maxamed Cabdillaahi (Cirro), ayaa kulan muhiim ah  Madaxtooyada kula yeeshay Danjire-ku-xigeenka Dowladda Finland u qaabilsan Soomaaliya, Ms. Nelli Mikkola.

Share this article

Recent posts

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here