Thursday, May 22, 2025
Array

Qodobada Ugu waaweyn Wararka dunida oo kooban.

Muqdisho (Dawan)- Qodobada ugu waaweyn wararka dunida oo kooban waxaa ka mid ah:

Muqdisho

Warbixin rasmi ah oo kas oo baxday Hay’adda Tirakoobka Qaranka Soomaaliyeed ayaa lagu soo bandhigay in magaalada Boorama ay ka mid tahay magaalooyinka ugu faqriga yar guud ahaan dalka Soomaaliya.

Muqdisho

Midowga Yurub (EU), oo kaashanayo Dowladda Federaalka Soomaaliya, ayaa 21-kii May 2025 si rasmi ah u daahfuray Barnaamijka Tamarta Cagaaran iyo Horumarinta Dhaqaalaha (GEED).

Barjala

Ciidanka Xoogga Dalka ayaa sheegay in howlgal qorsheysan oo ay fuliyeen Ciidanka Danab, oo garab ka helaya ciidamada Jubbaland, ay duleedka Barjala ee gobolka Jubbada Hoose xalay 21-kii May 2025 ku dileen in ka badan 48 dagaallamayaal oo ka tirsanaa Al-Shabaab iyo qabashada hub fara badan.

Boosaaso

Dekedda Boosaaso ayaa xalay dhoofisay 80,000 xoolo ah gaar ahana Ariga oo loo diray Sacuudi Carabiya, Cumaan iyo Yemen, taasoo  bilaab u ah dhoofinta xoolaha ee bisha carafo iyadoo xoolahaan lagu qaaday laba markab iyo shan doonyo.

Brussels

Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ee Jabuuti, Cabdulkadir Xuseen Cumar, ayaa ka qaybgalay shirkii 3-aad ee wasiirrada wadajirka ah ee Ururka Midowga Afrika (AU) iyo Midowga Yurub (EU), oo ka dhacay Brussels 21 May 2025. Kulankan heerka sare ahaa ayaa looga hadlay horumarka iskaashiga UA-EU iyo sidii loo xoojin lahaa iskaashiga labada qaaradood.

Share this article

Recent posts

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here