Muqdisho (Dawan)- Qodobada ugu waaweyn wararka dunida oo kooban waxaa ka mid ah:
Muqdisho
Madaxweynihii hore ee Soomaaliya, Shariif Sheekh Axmed, ayaa si xooggan ugu cambaareeyey dowladda xadgudubka xuquuqda wariyeyaasha, isagoo ku eedeeyey maamulka in uu caburin ku hayo xoriyadda hadalka iyo xuquuqda aadanaha.
Muqdisho
Xildhibaannada Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Soomaaliya ayaa maanta yeeshay kulankoodii 16-aad ee kalfadhiga lixaad, waxaana loo soo gudbiyay soo jeedin ku saabsan in dhaqaale lagu taageero ciidamada xoogga dalka iyo kuwa deegaanka ee dagaalka kula jira Al-Shabaab.
Muqdisho
Xidhibaannada Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Soomaaliya ayaa ansixiyey Hindise Sharciyeedka Barakacayaasha, kaasi oo ku dhawaad labo sano horyaallay Golaha Baarlamaanka.
Muqdisho
Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa ku dhawaaqday in Xeer-nidaamiyaha Dareera-hoosaadka Batroolka uu si rasmi ah u dhaqangeli doono 21-ka June 2025, sida lagu sheegay warsaxaafadeed ay soo saartay Wasaaradda Batroolka iyo Kheyraadka Macdanta 22 May 2025.
Qatar
Taliyaha Guud ee Ilaalada Jamhuuriyadda Jabuuti, Mohamed Djama Doualeh, ayaa si xushmad leh loogu soo dhaweeyay magaalada Doha, halkaas oo uu kulamo muhiim ah la yeeshay Hazza Bin Khalil Al Chhawani, Taliyaha Amiri Guard ee Qatar.
Garoowe
In ka badan 23,000 oo arday ah ayaa maanta si rasmi ah u fadhiistay Imtixaanaadka shahaadiga ee Dugsiyada Dhexe iyo Sare ee Dowlad Goboleedka Puntland ee sanadka 2024-2025.
Hargeysa
Wasiirka Warfaafinta Somaliland, Axmed-Yaasiin Cali Ayaanle, ayaa ka hadlay booqashada dhawaan Madaxweynaha Somaliland uu ku tagay Jabuuti, isaga oo muujiyey muhiimadda ay leedahay xoojinta xiriirka labada dhinac.
Muqdisho
Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa si rasmi ah u ansixiyey Hindise Sharciyeedka Dad-dhigista iyo Tirakoobka Xaaladaha Madaniga ah, kaas oo ay diyaarisay Wasaaradda Arrimaha Gudaha.