Sunday, May 19, 2024

Sidee ayey ku helaan Shahaadada Dowladda Ardayda Somaliland iyo Puntalnd?

In ka badan 32 kun oo arday ayaa sanadkan 2023 u fariistay imtixaanaadka dugsiga sare oo shahaadada dowladda Federaalka ah ee Soomaaliya. Waxa ay kala matalaan dowlad goboleedyada: Galmudug, Hirshabeelle, Koofur Galbeed, Jubbaland iyo Gobolka Banaadir.

In ka badan 23 kun oo arday oo kale ayaa iyaguna imtixaan lamid ah kan dowladda ku galay meelo kamid ah Soomalaiya, balse aan haba yaraatee wax xiriir ah la lahayn. 

16 Kun oo arday ayaa Somalilnd u fariistay imtixaanka dugsiga sare, 7kun oo kale ayaa iyagana isla sanad dugsiyeedkan u fariistay Puntland. Hadaba waa maxay mustqbalka ardaydan, xaqse ma u leeyihiin hanashada shahaadada dowladda oo ah tan kaliya ee dunida laga aqoonsan yahay?

Nidaamka waxbarashada Soomaaliya waxa uu ku saleysan yahay hab-qeybin qadiimi ah oo ka horreysay hirgalinta nidaamka Federaalka ah oo u dhigan; Somaliland, Puntland iyo Koofurta iyo bartamaha oo magac ahaan loo yaqaano dowladda Federaalka ah. Dhammaan macaamilladda kale ee dowliga ah iyo adeegyada dowladeed waa ay is bedeleen balse tan waxbarasahda waxa ay joogtaa 2012.

Ardayda ka soo qalin jebisa Somaliland iyo Puntland waxa ay helaan shahaaddaada dowladda FEderaalka iyaga oo aan galin imtixaanka dowladda. Laba sawir iyo lacag khidmad ah oo kaliya ayaa ah shuruudda looga baahan yahay iyo in ay soo galaan imtixaanka deegaannadooda oo ay wasaaraddu tixgiliso.

Imtixaanka waqtiga iyo kharashka badan ku baxo ee mas’uuliyiinta dowladdu u xadreeyaan ma yahayn imtixaan heer qaran ah mise waa in loogu yeeraa magaca imtixaanka Koofurta iyo bartamaha?

Share this article

Recent posts

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here