Muqdisho (Dawan)- Qodobada ugu waaweyn wararka dunida oo kooban waxaa ka mid ah:
Muqdisho
Madaxweyne hore ee Soomaaliya, Maxamed Cabdullaahi Farmaajo, ayaa ku eedeeyey Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud in uu dalka u jiheeyey waddo qalalaase hor leh gelineysa kadib martiqaadka uu u sameeyey Gogosha Wadatashiga ee la qorsheeyay in lagu qabto 15-ka Juun 2025.
Washington
Soomaaliya ayaa ka mid noqotay 12 wadan oo laga mamnuucay inay galaan Maraykanka, kadib markii Madaxweynaha Mareykanka, Donald J. Trump, 4 June 2025 uu saxiixay sharciga xaddidaya gelitaanka muwaadiniinta dalalkan, kaasoo lagu baahiyay bogga aqalka cad.
Muqdisho
Taliska Qeybta Guud ee Boliiska Gobolka Banaadir ayaa sheegay in ciidanka Booliska Soomaaliyeed ee Saldhigga degmada Dharkenley ay gacanta ku soo dhigeen eedeysane Maxamed Xasan Aadan, oo ku kacay marin habaabin bulsho iyo sumcad xumeyn uu u geystay Ciidamada Qaranka.
Muqdisho
Warbaahinta afka dowladda ku hadash ayaa sheegtay in Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud uu si rasmi ah ugu casuumay siyaasiyiinta iyo hoggaamiyeyaasha bulshada Gogosha Wadatashiga Qaran ee la qorsheeyay in lagu qabto 15-ka Juune 2025.
Muqdisho
Guddoomiyaha Guddiga madaxa banaan ee doorashooyinka qaranka iyo xuduudaha Soomaaliya Cabdikariin Axmed, ayaa si adag u beeniyay wararka sheegaya in dadka lagu qasbo inay is-diiwaangaliyaan.