Friday, June 13, 2025
Array

Qodobada Ugu waaweyn Wararka dunida oo kooban.

Muqdisho (Dawan)- Qodobada ugu waaweyn wararka dunida oo kooban waxaa ka mid ah:

Jabuuti

 Hay’adda Caalamiga ah ee Socdaalka (IOM) ayaa maanta xaqiijisay in ugu yaraan siddeed muhaajiriin ah ay ku dhinteen, halka 22 kale ay weli la la’yihiin kadib markii kooxo ka ganacsada tahriibinta ay doontii ay saarnaayeen ku dajiyeen meel ka fog xeebaha Jabuuti.

Doontan dadka laga dajiyey ayaa sida la sheegay siday ku dhawaad 150 qof, iyadoo ku socotay Yemen, waxaana lagu hakiyay badda 5-ta Juun.

Muqdisho.

Muqdisho maanta waxay  markii ugu horreysay martigeliyay shirka Madasha Iskaashiga Dalalka Geeska Afrika , kaas oo diirada lagu saarayay horumarinta dhaqaalaha iyo is-dhexgalka ganacsiga dalalka geeska.

Gaalkacyo

Guddoomiyaha Gobolka Mudug ee Puntland, Faysal Cabdullaahi Sheikh, ayaa beeniyay in tacaddi loo geystay ganacsato ka soo jeeda Koonfur Galbeed, kuwaas oo baraha bulshada lagu soo badhigay sawiradooda iyagoo gacmaha iyo lugaha ka xiran.

Cadaado

Galmudug  waxa ay  maanta si rasmi ah u daahfurtay xaafad cusub oo loogu talagalay barakacayaasha, taasoo qeyb ka ah mashruuca Xalka Waara ee loogu talagalay dib-u-dejinta dadka danyarta ah,

Ciidanka milatariga Suudaan, ayaa gantaallo ku garacaay saldhigyo ay RSF ku leedahay xadduuda saddex-xagalka ah ee u dhaxeysa Suudaan, Masar iyo Liibiya, halkaa oo la sheegay inay RSF u rogtay albaab ay ka hesho hub iyo dagaalyahanno u dhashay Liibiya oo ka dhinac dagaallamaya, sida ay sheegtay warbaahin ku dhaw ciidamada  mileteriga suudan

Share this article

Recent posts

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here