Muqdisho (Dawan)- Qodobada ugu waaweyn wararka dunida oo kooban waxaa ka mid ah:
Hargeysa
Wafdi ay hogaaminayeen Safiirka Mareykanka u fadhiya Soomaaliya Richard Riley iyo Taliyaha Guud ee Ciidamada Maraykanka ee Qaaradda Afrika Michael Langley ayaa maanta gaaray magaalada Hargeysa ee Soomaaliland, halkaas soo dhaween loogu sameeyay.
Puntland
Sida lagu sheegay warbixin uu soo saaray UNHCR oo la daabacay 17-kii May 2025, roobab culus oo ka da’ay 13-kii Juun 2025 ayaa sababay daadad xooggani oo ka dhacay magaalada Garoowe, taasoo keentay in in ka badan 3,600 qof ay ka barakacaan xeryaha qaxootiga ee Shabeelle, kuwaas oo ah xeryaha ugu da’da weyn ee magaalada.
DDS
Madaxweynaha Dowlad Deegaanka Soomaalida (DDS), Mustafe Maxamed Cumar, ayaa 18-kii Juun 2025 kulan muhiim ah la yeeshay wafdi ka socday Hay’adda Iskaashiga Caalamiga ah ee Maaliyadda (IFC), oo ka tirsan Bangiga Adduunka.
Jabuuti
Jamhuuriyadda Jabuuti ayaa loo doortay Guddoomiye cusub ee Guddiga Hogaaminta Caafimaadka Bariga Afrika (RESCO) kadib shirkii saddexaad ee guddigan, oo lagu eegay isku dubaridka siyaasadaha caafimaadka ee gobolka Bariga Afrika. Doorashadan ayaa la sameeyay 17 Juun 2025, waxaana sidoo kale loo doortay Tanzania Madaxweyne ku-xigeenka guddigan.