Sunday, June 22, 2025
Array

Qodobada Ugu waaweyn Wararka dunida oo kooban.

Muqdisho (Dawan)- Qodobada ugu waaweyn wararka dunida oo kooban waxaa ka mid ah:

Laascaanood

Safiirka Norwey ee Soomaaliya, Carsten Carlsen, ayaa maanta si rasmi ah u furay dib-u-dhiska Cisbitaalka Guud ee Laascaanood, kaasoo lagu sameeyay dayactir, qalabeyn, iyo dib u dhis buuxda.

Aadan Yabaal

Dowladda Soomaaliya ayaa xaqiijisay guusha howlgal ciidan oo lagu burburiyey laba xarumood oo Al-Shabaab u isticmaali jireen diyaarinta gaadiidka dagaalka iyo kaydka hubka ee magaalada Aadan Yabaal, oo ku taalla gobolka Shabeellaha Dhexe.

Washington

Madaxweynaha Mareykanka Donald Trump ayaa sheegay in ciidamada Mareykanka ay fuliyeen duqeymo guul leh oo ay ka fuliyeen saddex goobood oo muhiim ah oo Nukliyeerka Iran ah. Duqeymahan oo looga dan leeyahay in wax looga qabto awoodaha Nukliyeerka ee Iran, ayaa loo arkaa mid sii xumaanaya colaadda ka dhex aloosan Mareykanka iyo Iran. Duqeymaha ayaa lala beegsaday xarumaha Nukliyeerka ee Fordow, Natanz, iyo Esfahan, kuwaas oo muhiim u ah barnaamijka kobcinta Yuraaniyaamka Iran.

Istanbul

lataliyaha  Amniga Qaranka Soomaaliya (NSA), Xuseen Macallin, ayaa ka qaybgalay kulan ku saabsan amniga iyo xasiloonida Afrika, kaasoo lagu qabtay Istanbul.

Kulankan ayaa qeyb ka ahaayeen Madaxweynihii hore ee Kenya, Uhuru Kenyatta, Wasiirka Arrimaha Dibadda ee Masar Badr Abdelatty, iyo Wasiir ku-xigeenka Arrimaha Dibadda ee Turkiga Burhanettin Duraan kuwaasoo ka wada hadley arrimaha amniga iyo xasiloonida qaaradda, Sida uu sheegay Xafiiska Amniga Qaranka.

Muqdisho

Guddiga Madaxa-Bannaan ee Doorashooyinka Qaranka iyo Soohdimaha ayaa shaaciyay liiska Ururrada Siyaasadeed ee si rasmi ah isku diiwaan-galiyay, kuwaasoo buuxiyay shuruudaha looga baahanyahay ururuda si ay u noqdaan ururo u tartami kara sddexda xisbi siyaasadeed ee lagu wado in uu dalka yeesho.

Share this article

Recent posts

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here