Friday, April 18, 2025
Array

Qodobada Ugu waaweyn Wararka dunida oo kooban

Muqdisho (Dawan)- Qodobada ugu waaweyn wararka dunida oo kooban waxaa ka mid ah:

Puntland

Ciidamada deegaanka Puntland ayaa dilay laba xubnood oo ka tirsan Daacish—mid Soomaali ah iyo mid Itoobiyaan ah—howlgal milatari oo qorsheysnaa oo ka dhacay subaxnimadii Khamiista deegaanka Or Aled, oo ku yaal buuraha Shebab ee gobolka Bari ee waqooyiga bari ee Soomaaliya.

Laascaanood

Maamulka SSC-Khaatumo ayaa ku dhawaaqay in laga bilaabo 10ka ilaa 20ka Abriil 2025 la joojin doono qaadista Cashuurta Jidmarka ee gaadiidka laga qaado. Go’aankan ayaa la xiriira booqashada Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya ee Laascaano.

Muqdisho

Golaha Wasiirrada Soomaaliya ayaa ansixiyay heshiis is-afgarad ah oo u dhexeeya Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo Dowladda Masar, kaas oo dhigaya in muwaadiniinta labada dal ee wata baasaboorka diblomaasiga laga dhaafo shuruudaha dal-ku-galka. Heshiiskan ayaa oggolaanaya in dadka haysta baasaboorka diblomaasiga ay si xor ah ku galaan una safraan labada dal muddo dhan 90 maalmood gudahood, iyagoo aan u baahnayn dal ku gal.

Muqdisho

Qaar ka mid ah mas’uuliyiinta Wasaaradda ayaa soo jeediyay in la xiro safaaradda Mareykanka ee Muqdisho iyo in inta badan shaqaalaha laga soo qaado. Si kastaba, arrintani waxay dhalisay doodo gudaha dowladda Trump, iyadoo qaar ka mid ah xubnaha Golaha Amniga Mareykanka ay ka cabsi qabaan in xiritaanka safaaradda ay daciifin karto kalsoonida dowladda dhexe ee Soomaaliya, taasoo keeni karta burbur degdeg ah.

Muqdisho

Madaxweynaha Dowladda Federaalka Soomaaliya  Xasan Sheekh Maxamuud ayaa casuumaad isku imaansho u diray madaxda Dowlad Goboleedyada Puntland, Galmudug, Hirshabelle, iyo Koonfur Galbeed si ay uga arrinsadaan “Gogosha Wadahadal” ee uu dhawaan ku dhawaaqay.

Ankara

Wasiirka Tamarta iyo Khayraadka Dabiiciga ah ee Türkiye, Alparslan Bayraktar, ayaa ku dhawaaqay in Turkish Petroleum Corporation (TPAO) ay bilaabi doonto sahamin shidaal iyo gaas ah oo ka dhici doona saddex aag oo muhiim ah oo dhulka Soomaaliya ah bilaha soo socda.

Share this article

Recent posts

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here