Sunday, July 27, 2025
Array

Qodobada Ugu waaweyn Wararka dunida oo kooban.

Muqdisho (Dawan)- Qodobada ugu waaweyn wararka dunida oo kooban waxaa ka mid ah:

Maxaas

Kooxda Al-Shabaab ayaa maanta oo Axad ah la wareegtay degmada Maxaas ee gobolka Hiiraan, kaddib weerar lama filaan ah oo ay subaxnimadii hore ku qaadeen magaalada. Dadka deegaanka ayaa u xaqiijiyay Dawan in magaalada ay gashay gacanta kooxda, kaddib dagaal culus oo halkaas ka dhacay, taasoo dhabar-jab ku noqotay ciidamadii deegaanka ee Macawisleyda iyo kuwa dowladda oo halkaas saldhigyo ku lahaa.

Addis Ababa

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa gaaray magaalada Addis Ababa si uu uga qayb-galo Shirweynaha Labaad ee Qaramada Midoobey ee Dib-u-eegista Nidaamyada Cuntada (UNFSS+4), kaasoo ay si wadajir ah u martigelinayaan Itoobiya iyo Talyaaniga, kana socda xarunta UNECA ee Addis Ababa inta u dhaxaysa 28 ilaa 29-ka Luulyo.

Jabuuti

Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa ka codsaday Dowladda Jabuuti in ay kaalin muuqata ka qaadato gurmadka loogu tala galay dadka ay abaaruhu saameeyeen ee ku nool gobolka Awdal, ee jamhuuriyadda iskeed ugu dhawaaqday madax-bannaanida ee Somaliland.

Dooxa

Dowladda Qatar ayaa si rasmi ah u martigelisay shirka Guddiga Xiriirka ee Ururka Iskaashiga Islaamka (OIC) u qaabilsan arrimaha Soomaaliya, kaas oo maanta ka furmay magaalada Doha ee dalka Qatar.

Muqdisho

Dowladda Hindiya ayaa sheegtay maalinimadii sabtiga in ay Soomaaliya ugu deeqday gargaar bani’aadannimo oo isugu jira daawooyin, qalab qalliin, iyo agab caafimaad oo muhiim u ah xarumaha daryeelka bulshada.

Afgooye

Hay’adda Sirdoonka iyo Nabadsugidda Qaranka Soomaaliya (NISA) ayaa ku dhawaaqday in laba xubnood oo sar-sare oo ka tirsan kooxda Al-Shabaab lagu qabtay hawlgal habennimadii Sabdida ka dhacay degmada Afgooye ee gobolka Shabeellaha Hoose.

Kismaayo

Ciidamada ammaanka ee Jubbaland oo kaashanaya kuwa Xoogga Dalka Soomaaliyeed gaar ahaan guutada Danab ayaa howlgal ballaaran ka sameeyay qeybo ka mid ah gobolka Jubbada Hoose, iyadoo bartilmaameedku ahaa deegaano lagu tuhmayo in ay ku dhuumaaleysanayeen dagaalamayaal ka tirsan Al-Shabaab.

Khartuum

Ciidanka Taageerada Degdegga ah ee Sudan (RSF) iyo xulafadooda siyaasadeed ayaa Sabtidii si rasmi ah ugu dhawaaqay sameynta dowlad kale oo la tartamaysa tan rasmiga ah ee hadda jirta, tallaabo lagu tilmaamay in ay sii hurinayso colaadda siyaasadeed iyo milateri ee dalka ka taagan.

Share this article

Recent posts

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here