Sunday, May 19, 2024

CIIDANKA DOWLADDA OO GALCAD KU DILAY XUBNO KA TIRSAN Al-SHABAAB

Galgaduud (dawan)- Howlgal qorsheysan oo ay iska kaashanayeen ciidanka Soomaaliya  iyo taliska milatariga Maraykanka ee qaaradda Afrika loona yaqaan AFRICOM ayaa saakay laga fuliyay degmada Galcad ee goabalka Galgaduud.

Goobata laga fuliyay, howlgalka ayaa fariisin u aheyd dagaalmayaasha Al-shabaab, waxaana halkaas looga dilay 5 xubnood, sida lagu sheegay bayaan kasoo baxay dowladda Soomaaliya.

“Ciidanka Qaranka oo kaashanaya saaxiibada Soomaaliya ayaa wada howlgalada lagu ciribtiraayo kooxaha Khawaarijta ee ku dhuumaalaysanaya deegaanada hawdka ah.” Ayaa lagu yiri, bayaanka wasaaradda warfaafinta Soomaaliya.

Bayaanka ayaa intaas ku daray in la burburiyay goobo ay Al-shabaab kasoo abuubuli jireen holwgallada ay fuliyaan.

Dowladda Soomaaliya ayaa diyaar garoow xoogan ugu jirta billaabidda wajiga labaad ee dagaalka lagula jiro xoogaga Al-shabaab, waxeyna qorsheyneysaa in ay Al-shabaab kala wareegto degmooyinka Ceel-buur iyo Gal-hareeri oo ka tirsan gobalka Galgaduud .

Share this article

Recent posts

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here