Muqdisho (Dawan)- Qodobada ugu waaweyn wararka dunida oo kooban waxaa ka mid ah:
Muqdisho
MyBank ayaa si rasmi ah u shaacisay in macaamiisheedu si toos ah uga heli karaan akoonnadooda bangiga app-ka Waafi, oo ah e-wallet dhammeystiran oo ay maamusho shirkadda Hormuud Telecom. Isku xirkaas, oo la shaaciyey Khamiistii, ayaa MyBank ku xira in ka badan laba milyan oo adeegsade Waafi ah guud ahaan Soomaaliya taasoo ah ballaarin weyn oo dhanka dijitaalka ah.
Hargeysa
Somaliland ayaa maanta si kulul uga hortimid dhismaha maamulka cusub ee laga dhawaaqay gobollada Sool, Sanaag iyo Cayn, iyadoo ku tilmaantay tallaabadaas mid sharci-darro ah iyo faragelin siyaasadeed oo ka dhan ah xuduudeeda.
Jabuuti
Dowladda Mareykanka ayaa ku dhawaaqday deeq raashin degdeg ah oo ay ku baxayso $52 milyan, taasoo loo marsiinayo Barnaamijka Cuntada Adduunka (WFP), iyadoo Jabuuti lagu daray liiska afarta dal ee gargaarka helaya. Dalalka kale waxaa ka mid ah Jamhuuriyadda Dimuqraadiga ee Congo, Itoobiya, iyo Haiti.
Hiiraan
Hay’adda Sirdoonka iyo Nabad Sugidda Qaranka (NISA) ayaa sheegtay in 8 xubnood oo ka tirsan kooxda Al-Shabaab lagu dilay howlgal qorsheysan oo ay Khamiistii ka fuliyeen deegaanka Aboorey ee gobolka Hiiraan.
Jigjiga
In ka badan 2.67 milyan oo geed ayaa lagu beeryay Dowlad Deegaanka Soomaalida maalintii Khamiista ee 31-ka Agoosto, iyada oo qeyb ka ah ololaha qaran ee loo yaqaan “Dhaxal Reebka Cagaaran”, kaasoo laga hirgelinayo guud ahaan Itoobiya.
Muqdisho
Maamulka Gobolka Banaadir ayaa maanta si rasmi ah u dhagax-dhigay dhismaha waddo laami ah oo laga hirgelinayo Degmada Hodan ee magaalada Muqdisho, taasoo uu sheegya gobolka inay qayb ka tahay dadaallada lagu horumarinayo kaabeyaasha magaalada iyo fududeynta isku socodka bulshada.
Muqdisho
Maamulka Gobolka Banaadir ayaa ku dhawaaqay deeq lacageed oo gaaraysa $200,000 si loo taageero gurmadka degdegga ah ee loogu jiro wax-ka-qabashada abaarta ka jirta Gobolka Awdal, oo ka mid ah gobollada waqooyi-galbeed ee Soomaaliya (jamhuuriyadda iskeed ugu dhawaaqday madaxbannaanida ee Somaliland).