Sunday, April 20, 2025
Array

Qodobada Ugu waaweyn Wararka dunida oo kooban

Muqdisho (Dawan)- Qodobada ugu waaweyn wararka dunida oo kooban waxaa ka mid ah:

Muqdisho

Safaaradda Yemen ee Muqdisho ayaa soo saartay bayaan rasmi ah oo ka hadlayo wararka sheegaya in la iibiyay xarunta safaaradda. Safaaradda ayaa si cad u beenisay eedeymahaas, waxa ay xaqiijisay in tallaabooyin sharciga ah laga qaadi doono dadka faafinaya wararkaas.

Muqdisho

Dowladda Soomaaliya, oo kaashaneysa Hay’adda Cuntada iyo Beeraha Adduunka (FAO), ayaa si rasmi ah u bilawday mashruuca “Mustaqbalka Xoolo-dhaqatada” kaasoo loogu talagalay in lagu xoojiyo nolosha xoolo-dhaqatada Soomaaliyeed. Mashruucani wuxuu diiradda saaraya dhisidda adkeysiga bulshada miyiga iyadoo lagu wajahayo caqabadaha ka dhashay isbeddelka cimilada, abaaraha, iyo burburka dhulka.

Jabuuti

Xiriirka Dabaasha ee Jamhuuriyadda Jabuuti ayaa si rasmi ah u qabtay tartan qaran oo dabaasha ah, kaas oo lagu xulayay ciyaartoyda matali doona dalka Jabuuti tartamada gobolka iyo kuwa caalamiga ah ee mustaqbalka.

Hargeysa

Madaxweynaha Somaliland, Cabdiraxmaan Maxamed Cabdullaahi (Cirro), ayaa shalay madaxtooyada ku qaabilay wakiilka Soomaaliya ee  hay’adda Cunnad iyo Beeraha Adduunka ee Qaramada Midoobay (FAO)  iyo wafdi uu hoggaaminayay.

Ceerigaabo

Dowlad Goboleedka SSC-Khaatumo ee Soomaaliya ayaa si kulul u cambaareeyay weerar ay sheegeen in lagu qaaday xoolo-dhaqatada ku nool deegaanka Daanweyne ee magaalada Ceerigaabo, gobolka Sanaag, iyagoo ku eedeeyay in weerarkaasi uu ahaa mid ay fuliyeen Somaliland.

Soomaaliland

Madaxweynaha Somaliland, Cabdiraxmaan Maxamed Cabdillaahi Cirro, ayaa si cad u sheegay in Somaliland ay sii wadi doonto difaaca madaxbannaanideeda iyo xuduudaha dhuleed ee ay leedahay kana difaaci doonto xadgudub kasta.

Share this article

Recent posts

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here