Wednesday, August 6, 2025

Qodobada Ugu waaweyn Wararka dunida oo kooban.

Muqdisho
Hawlgalka Taageerada iyo Xasilinta Midowga Afrika ee Soomaaliya (AUSSOM) ayaa si cad u beeniyay wararka sheegaya in ciidamada Midowga Afrika ay khasaaro kala kulmeen hawlgal ciidan oo ka socda Bariire, oo ka tirsan gobolka Shabeellaha Hoose oo ay dib uga gurteen.

Laascaanood
Hoggaamiyaha Maamulka Waqooyi Bari Soomaaliya, Cabdiqaadir Axmed Aw Cali, ayaa si rasmi ah u saxiixay dastuurka cusub ee maamulka, xaflad ka dhacday magaalada Laascaanood habeenimadii Sabtida.

Hargeysa
Dawladda Imaaraadka Carabta ayaa Sabtidii ku wareejisay Guddiga Gurmadka Abaaraha Somaliland deeq raashin ah oo loogu talagalay in lagu caawiyo 9,000 qoys oo si daran ey u saameesay abaarta ka taagan qaybo badan oo ka mid ah Somaliland.

Muqdisho
Bangiga Dhexe ee Soomaaliya ayaa toddobaadkii hore ku dhawaaqay amar cusub oo lagu xadidayo dhoofinta sanadlaha ah ee lacagta caddaanka ah ee Doollarka Mareykanka,

Muqdisho
Bangiga Dhexe ee Soomaaliya ayaa xaqiijiyay in Dowladda Federaalka ay wado qorshe lagu soo daabacayo lacag cusub oo Shilin Soomaali ah Taas oo qayb ka ah isbeddellada dhaqaale ee uu taageerayo Sanduuqa Lacagta Adduunka (IMF).

Share this article

Recent posts

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here