Jigjiga (Dawan)- Kal-fadhigii 7-aad ee Golaha 6-aad ee Baarlamaanka Baarlamaanka Dowlad Deegaanka Soomaalida ayaa lagu meel-mariyay miisaaniyadda sannadkan oo ku dhawaad 50% ay ka imaan doonto dakhliga laga soo aruuriyo Deegaanka.
Miisaaniyadda guud ee Deegaanka Soomaalida ayaa gaareysa lacag dhan 40,686,127,007 (Afartan bilyan, lix boqol sideetan iyo lix milyan, boqol labaatan iyo toddobo kun iyo taddobo birr) waxayna 6% ka badan tahay miisaaniyadii sannadkii hore.
Qaybaha Miisaaniyadda
Miisaaniyadda Dowlad Deegaanka Soomaalida waxay ka kooban tahay seddex qaybood;
1. Miisaaniyadda uu degaanku u qoondeeyay xafiisyada heer Deegaan (oo ay ku jiraan Gobollada, Cisbitaalada, Kulliyadaha iyo Machadyada) iyo miisaaniyadda horumarinta mashaariicda oo dhan 23,624,768,109.66 oo ah lacagta Itoobiya.
2. Miisaaniyada Degmooyinka iyo Maamulada Magaalooyinka oo dhan 15,664,158,898 Birr.
3. Miisaaniyada lagu hiigsanayo yoolasha horumarka waara oo gaareysa 1,397,200,000, Birr , waxaana lagu fuli doona mashaariic waaweyn sida horumarinta waraabka.
Dowladda Deegaanka Soomaalidu waxay sheegatay in 43% ay miisaaniyaddu ka imaan doonto dakhliga uu Deegaanku soo saarto, halka 57% laga heli doono kabka khasnadda dhexe ee Dowladda Fadaraalka iyo deeqda dibadda.
Arrintaan ayaa tilmaamaysa in deegaanku ku talaabsaday guulo waawayn oo ah dhinaca kor-u-qaadidda dakhliga gudaha ee kasoo xaroonaya dhaqaalaha Deegaanka lixdii sano ee u danbaysay, waana markii ugu horeysay ee xaddi intaas le’eg uu kordho saamiga dakhliga gudaha ee miisaaniyada guud ee Dowlad Deegaanka Soomaalida.
Dakhliga gudaha ee miisaaniyada guud ee Dowlad Deegaanka Soomaalida ayaa cel-celis ahaan jirtay 17% lix sano ka hor.
Maxaa lagu qaban doona miisaaniyadda ?
Miisaaniyadda loo qoondeeyay xafiisyada heer Deegaan ayaa dhan Birr 25,021,968,109.66, halka miisaaniyadda Horumarinta Mashaariicda loo qorsheeyay lacag dhan Birr 13,129,033,870.
Miisaaniyadda caadiga ah ee mushaarka iyo hawl-fulinta ayaa loogu tala galay lacag dhan Birr 11,892,934,240, taas oo ka dhigan in 52% miisaaniyadda xafiisyada heer Deegaan ay ku baxayso miisaaniyadda mashaariicda horumarineed halka 48% ay ku bixi doonto Miisaaniyadda Caadiga ah (Mushaarka iyo Hawl-fulinta).
Miisaaniyada loo qoondeeyay xafiisyada heer deegaan ee dhinaca Mashaariicda horumarineed, waa mid ku sallaysan meelmarinta ujeedooyinka, yoolasha iyo jihooyinka horumarineed ee qorshaha tobanka sano ee heer Deegaan iyo heer Qaran.
Qorshaha xukuumadda Dowlad Deegaanka Soomaalida waxaa ugu waawayn ahmiyad siinta dhisidda awoodda u adkaysiga masiibooyinka abaaraha iyo isbaddalka cimilada iyo kor-u-qaadidda wax-soo-saarka dalagga beeraha.
Qorshaha miisaaniyadda Dowlad Deegaanka Soomaalida ayaa xoogga saaraya hirgelinta jihooyinka dhamaystirka mashaariicda soo socday, kor-u-qaadidda saamiga miisaaniyadda xafiisyada adeegyada aas-aasiga ah, xasilinta iyo sugidda amniga Deegaanka, hirgelinta barnaamijka Dalag iyo Daryeel iyo Dhaqo oo Dheefso, Dhismaha iyo xoojinta dowladnimada iyo kor-u-qaadidda isticmaalka aaladaha casriga ah.
Waxaa sidoo kale mudanaan gaar ha la siiyay xafiisyada bixiya adeegyada aas-aasiga ah ee kala ah; horumarinta biyaha, waraabka , horumarinta jidadka miyiga, horumarinta waxbarashada, xirfadaha iyo shaqo-abuurka, caafimaadka, horumarinta xoolaha iyo beeraha, kuwaas oo dhammaantood muhiim u ah nolosha aadanaha.
Si guud markaan ugu laabano waxaa miisaanadda loo qaybiyay; qaybaha horumarka guud oo la siiyay 31%, qaybaha dhaqaalaha waxaa loo qoondeeyay 35%, qaybaha arimaha bulshadana waxaa kusoo aaday 29%, halka inta soo hartay meel loo dhigay kaydka guud iyo celinta daynta Federaalka.