Saturday, July 27, 2024

Shirka Guddiga fulinta ee Xogayaasha Baarlamaanka Carabta oo ka dhacay Doha

Doha (Dawan)- Xoghayaha guud ee Golaha shacabka Baarlamaanka Soomaaliya, Cabdiraxmaan Muxumed Cabdulle Jaabiri ayaa ka qeybgalay shirka Guddiga Fulinta ee Xogayaasha Baarlamaanka Jaamacadda Carabta oo maanta ka dhacay Magaalada Dooxa ee dalka Qatar.

Kulanka oo uu shir gudoominayay Gudoomiyaha Guddiga Dr Axmed Fadaala ayaa waxaa lagu diyaarinayay Ajendayaasha kulanka Xubnaha guud ee Xogayayaasha Baarlamaanka Jaamacada Carbata oo berri ka furmi doona Magaalada Dooxa ee dalka Qatar.

Sidoo kale guddiga ayaa waxaa ay ka doodeen nidaamka asaasiga ah ee Jamciyadda oo dib u eegis lagu sameeyay, si ay u horgeeyaan xubnaha guud ee Golaha Jamciyadda.

Guddiga Fulinta ee Xogayaasha Baarlamaanka Jaamacadda Carabta, waxaa xarun u ah Kuwait, wuxuuna gacan ka geystaa horumarinta shaqada baarlamaanada Carabta iyo isku dubaridka go’aanada laga qaadanayo arrimaha caalamiga ah.

Share this article

Recent posts

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here