Monday, June 30, 2025

Xamse oo dhagax dhigay Xarunta Cusub ee Wasaaradda Kalluumeysiga

Muqdisho (Dawan)Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya Hamza Abdi Barre ayaa si rasmi ah maanta u dhagax dhigay dhismaha Xarunta cusub ee Wasaaradda Kalluumeysiga iyo Dhaqaalaha Buluugga Ah ee ku taalla Muqdisho, taasoo ay ku baxayso dhismaheeda ku dhawaad $3 milyan.

Mashruucan waxaa maalgelinaya Bangiga Adduunka iyadoo loo marayo Mashruuca Badmal, kaas oo lagu xoojiyo maaraynta waara ee khayraadka badda iyo kor u qaadista awoodda bulshooyinka xeebaha ah ee Soomaaliya.

Ra’iisul Wasaare Hamza Abdi Barre ayaa ka hadlay muhiimadda ay leedahay Wasaaradda Kalluumeysiga iyo Dhaqaalaha Buluugga, isagoo sheegay in Wasaaraddan ay muhiim u tahay horumarinta dhaqaalaha dalka, maadaama khayraad badan uu Soomaaliya ka yimaado dhinaca badda.

Waxa uu intaa ku daray in mustaqbalka Soomaaliya uu ka imaan doono dhanka badda, oo xarunta cusub ay kaalin muhiim ah ka qaadan doonto kobaca dhaqaalaha dalka.

Meesha laga dhisayo Wasaaradda, oo ku taalla Degmada Abdi Casiis, ayaa horay u lahayd Wasaaradda Kalluumeysiga iyo Dhaqaalaha Buluugga Ah waqtigii Dowladdii Dhexe, balse hadda waxaa deganaa Hay’adda Socdaalka iyo Jinsiyadda Soomaaliya.

Wasiirka Wasaaradda Kalluumeysiga iyo Dhaqaalaha Buluugga, Axmed Xasan Aadan, ayaa sidoo kale ka hadlay munaasabadda, isagoo tilmaamay in maanta ay tahay maalin taariikhi ah oo ay Wasaaradda dib u dhiseen, isla markaana ay diyaar u tahay inay kula tartanto Wasaaraddaha kale ee dowladda.

Dhismihii hore ayaa dhammaantiis la dumin doonaa si midkaan cusub loo bilaabo, waxaana ka koobnaan doona afar dabaq oo awood u leh inay ku shaqeeyaan ilaa 500 shaqaale, sida uu sheegay Wasiirka Kalluumeysiga Soomaaliya.

Mashruucan ayaa maalgelin ka helay Bangiga Adduunka iyadoo loo marayo Mashruuca Badmal, kaas oo si gaar ah loogu talagalay in la wanaajiyo maaraynta kalluumeysiga la xushay iyo in la taageero bulshooyinka xeebaha ah ee Soomaaliya si ay uga faa’iideystaan khayraadka kalluumeysiga. Mashruucan waxaa ka mid ah abuurista korridoor hoos u dhigaya bini’aadantinimada iyo kobcinta awoodda bulshada.

Dhismahan cusub ayaa qayb ka noqon doona qorshayaasha xoojinaya awooda loojistikada, horumarinta dhaqaalaha buluugga ah, iyo kobcinta dakhliga dalka, iyadoo sidoo kale lagu dari doono horumarinta dhinacyada dhaqaalaha buluugga ah.

Share this article

Recent posts

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here