Friday, October 18, 2024

Ra’iisul Wasaare ku xigeenka oo lagala laabtay xubinimadii Aqalka Sare

Muqdisho (Dawan)- Ra’iisal Wasaare Ku Xigeenka Soomaaliya, Saalax Axmed Jaamac, ayaa lumiyay Xubinimadii Aqalka Sare ee Baarlamaanka, ka dib markii lagala laabtay habmaamuuski uu ku joogay Golaha labadii sano iyo barkii la soo dhaafay.

Sidaas waxaa lagu sheegay go’aan kasoo baxay guddoonka Aqalka Sare.

“Sida ku cad Qodobka 59aad farqada 1aad ee Dasturia KMG ah ee qeexaya siyaabaha lagu lumiyo xubinimada Baarlamaanka Federalka Soomaaliya. Haddaba, Xildhibaan Saalax Axmed Jaamac muusan soo xaadirin Golaha Agalka sare afar kalfadhi oo xidhiidh ah mana soo gudbin sabab maangal ah oo ku saabsan maqnaashahiisa, sidaas darteed wuxuu lumiyay xubinimadiisii Aqalka Sare BIFS” sidaas waxaa lagu yiri, go’aanka kasoo baxay guddoonka Aqalka Sare.

Guddoomiyaha Aqalka Sare ayaa sidoo kale ku wargeliyay hay’daha ay qusayso in ay soo buuxiyaan kursiga bannaanaaday iyada oo loo marayo hanaan wasfaqsan Dastuurka.

Si kastaba ha ahaatee, tillaabadan ayaa buuq badan ka dhalisay xildhibaanada Aqalaka sare dhaxdooda iyada oo qaar ka mid ah xubnuhu ay ku eedeeyn guddoomiyaha inuu qaaday tillaabooyiin baalmarsan dastuurka.

Xildhibaan Cismaan Abokor Dubbe ayaa sheegay in xildhibaanku ku wayn karo xubinimadiisa markii ay ka codeeyaan seddex meelood, laba meel, kadibna lasoo dooran karo xubin kale oo buuxisa booska bannaanaaday.

Waxa uu raaciyay hadalkiisa ” Haddii ay magaacbis noqoto, 54-ka, Senator Cabdi Xaashiyow bedel. 54 cusub soo magcaabo”

Waa markii ugu horeysay ee tillaabo nuucaan ah uu qaado Golaah Aqalka Sare tan iyo markii la aasaasay sanadkii 2016.

Aqalka Sare waxa uu ka koobanyahay 54 senator, oo kala metela dowlad goboleedyada waxaana soo doorta baarlamaanada dowlad goboleedka.

Aqalka Sare waa Golaha la geeyo go’aamada ugu dambeeya inkasta oo ay xoogga saaraan danaha maamul goboleedyadii soo doortay, waxeyna Golaha Shacabka la wadaagaan arrimaha waaweyn sida doorashada madaxweynaha.

Share this article

Recent posts

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here