Monday, April 14, 2025

Muxuu Xamse Kala Hadlay Isimada Deegaannada SSC-Khaatumo?

Laascaanood, Soomaaliya – Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Xamse Cabdi Barre, ayaa habeenkii Sabdiga magaalada Laascaanood kulan la yeeshay Isimada dhaqanka ee deegaannada SSC-Khaatumo. Kulankaas ayaa diiradda lagu saaray sidii loo xoojin lahaa midnimada ummadda, nabadda, dib-u-heshiisiinta, iyo xasilloonida guud ee dalka.

Sida lagu sheegay war kasoo baxay Xafiiska Ra’iisul Wasaaraha, kulanka ayaa sidoo kale looga hadlay sidii deegaannada SSC-Khaatumo looga hirgelin lahaa hay’adaha dowladda ee u xil saaran bixinta adeegyada aas-aasiga ah ee bulshada u baahan tahay.

“Ra’iisul Wasaaruhu waxa uu adkeeyay sida ay Xukuumaddiisu mudnaan gaar ah u siineyso xoojinta hay’adaha dowladda iyo ilaalinta midnimada shacabka Soomaaliyeed,” ayaa lagu yiri qoraalka rasmiga ah.

Kulankan ayaa kusoo aadaya inta lagu guda jiro booqashadii taariikhiga ahayd ee Ra’iisul Wasaaruhu ku tagay Laascaanood – taasoo noqotay tii ugu horreysay ee masuul heerkan sare ah ka socda dowladda dhexe uu ku tago magaalada muddo ku siman 40 sano.

Isimada deegaannada SSC-Khaatumo ayaa markii ugu horreysay ku dhawaaqay dhismaha maamulka hadda ka shaqeeya Laascaanood iyo deegannada kale ee SSC-Khaatumo. Maamulkan, oo la asaasay bishii Oktoobar 2023, ayaa ilaa hadda ah maamul ku meel gaar ah oo ay dowladda federaalka aqoonsan tahay.

Share this article

Recent posts

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here