Sunday, September 8, 2024

Real Madrid oo ku guuleysatay La Liga ka dib guul darradii Barcelona

Madrid (Dawan)- Real Madrid ayaa loo caleemo saaray hanashada horyaalka La Liga markii 36-aad ka dib markii Girona ay ku garcaaday kooxda Barcelona 4- 2, natiijadaas oo meesha ka saartay rajadii Barcelona ee horyaalka.

Guushi ay Madrid ka gaartay Cadiz kaliya kuma filnayn in ay horyaalnimada kala wareegato Barcelona balse Girona oo sannadkan wacdaro ka dhigtay La Liga ayaa garab siisay Real kadib markii ay garaacday Barcelona sidoo kalena ay xaqiijisay booskeeda xilli ciyaareedka soo socda ee UEFA Champions League.

Real Madrid ayaa ku guuleysatay horyaalka iyada oo ay afar kulan ka harsantahay, waxeyna sannadkaan muujiyeen ciyaartooyda Ancelotti dadaal dheeraad ah maadaama ay badiyeen 27 ka mid ah 34-kii kulan ee ay ciyaareen horyaalka xilli ciyaareedkan iyada oo dhinacooda dhulka la dhigay kaliya hal kulan

Diirada Ancelotti iyo Real ayaa hadda u weecan doonta tartanka UEFA Champions League, iyada oo Madrid ay martigelin doonto Bayern Munich lugta labaad ee semi-finalka Khamiista soo socota.

Kulanki hore ee ka dhacay magaalada Munich waxa uu ku dhamaadaay barbar dhac 2-2 ah.

Sida loogu kala guuleysatay horyaalada waaweyn ee qaaradda Yurub

Spain – La Liga = Real Madrid

Italy – Serie A= Inter Milan

France- Ligue 1= Paris Saint-Germain

Germany- Bundesliga = Bayer 04 Leverkusen

Share this article

Recent posts

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here