Thursday, June 19, 2025

Roobab ka da’ay Garoowe oo barakiciyey 3,600 qof oo qaxootiya

Garoowe (Dawan) – Sida lagu sheegay warbixin uu soo saaray UNHCR oo la daabacay 17-kii May 2025, roobab culus oo ka da’ay 13-kii Juun 2025 ayaa sababay daadad xooggani oo ka dhacay magaalada Garoowe, taasoo keentay in in ka badan 3,600 qof ay ka barakacaan xeryaha qaxootiga ee Shabeelle, kuwaas oo ah xeryaha ugu da’da weyn ee magaalada.

Daadadkani ayaa burburiyey kaabayaal muhiim ah sida nidaamyada biyaha iyo guryaha, iyadoo in ka badan 400 guri la burburiyey. Dad badan oo ka barakacay ayaa ku waaberiistay meelaha banaan ee aan haysan adeegyo aasaasi ah sida cunto, biyo nadiif ah, iyo adeegyo nadaafadeed.

Dadkan barakacay  ayaa ku qaxay xaafdaha  ku dhow sida Hodon, Waabari, iyo Hanti-Wadaag iyagoo halkaas ku wajahaya khatar caafimaad oo weyn, taasoo ka dhalatay baahida adeegyada aasaasiga ah iyo khatarta cudurrada biyaha ku faafa. Qeybaha nugul ee bulshada sida haweenka, caruurta, dadka waayeelka ah, dadka naafada ah, iyo dadka qaba cudurrada waaweyn ayaa si gaar ah u saameysay xaaladdan.

“Helitaanka guryo degdeg ah ayaa muhiim u ah sidii loo yareyn lahaa khataraha ay dadka barakacay wajahaan. burburka guryaha iyo khasaaraha dhaqaalaha ayaa keenay culeys xagga maskaxda ah, waxaana loo baahan yahay taageero degdeg ah oo caafimaad iyo nafsaani ah.”ayaa lagu sheegay warbixinta UNHCR.

Garoowe, oo ah caasimadda Puntland, ayaa hoy u ah xeryo badan oo qaxooti ah. Sida ku cad xogtii ugu dambeysay ee May 2023, Garowe waxay martigelisaa 25 xero oo qaxooti ah, oo hoy u ah in ka badan 55,675 qof.

Arrinkaan cusub waxay muujinaysaa saameynta sii kordheysa ee isbeddelka cimilada ee Soomaaliya, iyadoo daadad iyo abaaro soo noqnoqda ay saameyn ku yeesheen gobollada kala duwan ee dalka.

UNHCR ayaa ku baaqday in la kordhiyo maalgelinta si loo dhiso kaabayaal ka-hortag ah cimilada iyo diyaar-garowga masiibooyinka, gaar ahaan gobollada u nugul daadadka sida Garowe.

Share this article

Recent posts

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here