Khartuum (Dawan) – Ciidanka Taageerada Degdegga ah ee Sudan (RSF) iyo xulafadooda siyaasadeed ayaa Sabtidii si rasmi ah ugu dhawaaqay sameynta dowlad kale oo la tartamaysa tan rasmiga ah ee hadda jirta, tallaabo lagu tilmaamay in ay sii hurinayso colaadda siyaasadeed iyo milateri ee dalka ka taagan.
Afhayeenka isbahaysiga cusub, Calaa El Diin Nugud, ayaa muuqaal lagu baahiyay barta Facebook-ga ee isbahaysigaas ku sheegay in la aasaasay “Guddiga Madaxtooyada Dowlad Kumeelgaar ah oo Nabadeed”, waxaana hoggaaminaya taliyaha RSF Maxamed Xamdan Dagalo “Hemetti”, halka Cabdulcaziiz al-Hilu uu noqday madaxweyne ku xigeen, iyo Maxamed Xasan Al-Taishi oo loo magacaabay ra’iisul wasaaraha maamulka cusub. Guddiga cusub ayaa ka kooban 15 xubnood.
Tallaabadani waxay si weyn u muujineysaa kalagoyn siyaasadeed oo cusub oo ka dhex dhalatay dagaalka sokeeye ee Sudan, iyadoo ay xasuusineyso heshiis siyaasadeed ay RSF iyo kooxo kale ku gaareen magaalada Nairobi bishii Febraayo 2024, kaasoo u gogol-xaarayay sameynta maamul cusub.
Wasiirka arrimaha dibedda ee Sudan, Cali Yuusuf Al-Sharif, ayaa horraantii sanadkan si adag u diiday qorshahaas, isagoo ku tilmaamay “mid aan la aqbali karin” oo aan yeelan doonin wax micne ah mustaqbalka siyaasadeed ee dalka. Waxa uu ka digay in dowlado shisheeye aysan “wax aqoonsi ah siin” maamulkaasi cusub.
Dowladda rasmiga ah ee Sudan kama aysan bixin wax war ah ilaa iyo fiidkii Sabtida ee la xiriira warkan cusub ee kasoo yeeray RSF.
Dagaalka u dhexeeya ciidamada RSF iyo kuwa qalabka sida ee Sudan ayaa billowday April 2023, waxaana ilaa hadda la xaqiijiyay in in ka badan 20,000 oo qof ay ku dhinteen halka 14 milyan kalena ay ku barakaceen, sida lagu sheegay warbixinno kasoo baxay Qaramada Midoobay. Si kastaba, jaamacado Maraykan ah ayaa qiyaasay in tirada dhabta ah ee dhimashada ay gaari karto ku dhowaad 130,000.
Tallaabadan ayaa u muuqata mid khatar gelin karta dadaallada diblomaasiyadeed ee caalamiga ah ee lagu xalinayo xiisadda Sudan, waxayna sare u qaadaysaa halista burburka dawladnimo iyo dhibaato bini’aadanimo oo sii xoogeysaneysa.