Saturday, July 27, 2024

Ruushka iyo Eritrea oo xusaya sannad-guuradii 30-aad ee xiriirkooda

Asmara (Dawan)- Dowladaha Ruushka iyo Eritrea ayaa u dabaal degaya xuska sannad guuradii 30-aad markii ay abuureen xiriirkooda Diblomaasiyadeed.

Wafdi sare oo uu hoggaaminayo Taliye ku xigeenka ciidamada badda ee Ruushka Admiral Vladimir Kasatonove ayaa gaaray dalka Eritrea si uu uga qeyb galo munaasabaddaan sidoo kalena kulamo ula qaato mas’uuliyiinta dalkaas.

Waxaa wafdiga si diiran u soo dhaweeyay General Filipos Woldeyohannes, Taliyaha Guud ee Ciidanka Difaaca Eritrea, Ambassador Zemede Tekle, Guddoomiyaha Dhaqanka iyo Ciyaaraha iyo sidoo kale Taliyayaasha Ciidamada.

Sidoo kale, saraakiisha ciidamada badda ee dalka Ruushka, ayaa booqday qabuuraha Shuhadada, madxafka Masawac, waxeyna kulan kubbadda cagta ah oo saaxiibtinimo la ciyaareen kooxda ciidammada badda ee Eritrea.

Dowladda Eritrea ayaa go’doomin siyaasadeed iyo mid dhaqaalo kala kulanta Reer-galbeedka balse waxa ay xiriir wanaagsan la leedahay Ruushka, iyada oo isweydaarsiga ganacsiga ee labada dhinac lagu qiyaaso in ka badan $13.5 milyan sannadkii, sida ay tilmaamayaan warbixinadii ugu dambeeyay.

Tan iyo 1993, markii ay Eritrea ka go’day Itoobiya, waxaa jiray xiriir diblomaasiyadeed oo u dhexeeya labada dowladood, iyada oo Ruuskhu uu siiyo Eritrea taageero dhaqaale iyo mid ciidan.

Share this article

Recent posts

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here