KIGALI (Dawan) – Dowladda Rwanda ayaa sheegtay in ay ogolaatay inay aqbasho illaa 250 muhaajiriin ah oo laga masaafuriyay Maraykanka, taasoo ka dhigeysa dalka saddexaad ee Afrika ah oo oggolaaday inuu martigeliyo dad laga saaray Maraykanka, kadib Eswatini iyo Koonfurta Suudaan.
Sida ay sheegtay wakalada Anadolu Afhayeenka dowladda Rwanda, Yolande Makolo, ayaa sheegtay in heshiiskan uu siinayo Rwanda awood buuxda oo ay ku ansixiso ama ku diido qof kasta oo lagu soo taliyay in lagu dejiyo gudaha dalka.
“Heshiiska wuxuu Rwanda siinayaa awood ay ku ansixiso qof kasta oo la soo jeediyo in dib loogu dejiyo. Dadka la oggolaado waxaa la siin doonaa tababar shaqo, daryeel caafimaad, iyo taageero hoy ah si ay ugu bilowdaan nolol cusub gudaha Rwanda, taasoo fursad u siinaysa inay ka qayb qaataan dhaqaalaha dalka oo si weyn u kobcay tobanka sano ee la soo dhaafay,” ayay ku tiri Makolo bayaan ay soo saartay.
Makolo waxay sheegtay in go’aanka Rwanda uu ku saleysan yahay taariikhda dalka ee qaxootinimada, iyadoo ay jirto in qoys kasta uu taariikh la wadaagayo barakac, taasoo ka dhigaysa dib-u-dajin iyo dib-u-heshiisiin inay yihiin qiyamka bulsho ee Rwanda.
Heshiiskan ayaa yimid kadib go’aankii Maxkamadda Sare ee Mareykanka ee bishii Juun, kaasoo fasaxaya in dadka la masaafurinayo aan la siin fursad ay ku muujiyaan cabsidooda ammaan, taasoo fure u noqotay siyaasadda masaafurinta dad badan oo u dhashay dalal saddexaad.
Wasiirka Arrimaha Dibadda ee Rwanda, Olivier Nduhungirehe, ayaa diiday inuu faahfaahin ka bixiyo waxa heshiiska uu ugu jiro dalkiisa. Si kastaba, ilo xog ogaal ah ayaa u sheegay warbaahinta in Mareykanka uu Rwanda siin karo deeq dhaqaale oo la xiriirta heshiiskan.
Tallaabadan ayaa la barbar dhigi karaa heshiiskii sanaddii 2023 ay Rwanda la gashay Dowladda UK, kaasoo la doonayay in dadka si sharci darro ah uga gudba Badda Ingiriiska loo raro Rwanda si halkaa loogu maamulo codsiyadooda magangelyo. Si kastaba, heshiiskaasi waxaa buriyay Dowladda cusub ee Labour Party ee Ra’iisul Wasaare Keir Starmer sannadkii 2024.
Lama shaacin waqtiga rasmiga ah ee muhaajiriinta ugu horreeya la filayo inay gaaraan Rwanda, mana cadda sida sharci ahaan loo fulin doono heshiiskan.
Isha: wakaalada Anadolu