Sunday, June 22, 2025

Safiirka Norway oo daah furay dib u habaynta Cisbitaalka Laascaanood

Laascaanood (Dawan) – Safiirka Norwey ee Soomaaliya, Carsten Carlsen, ayaa maanta si rasmi ah u furay dib-u-dhiska Cisbitaalka Guud ee Laascaanood, kaasoo lagu sameeyay dayactir, qalabeyn, iyo dib u dhis buuxda.

Munaasabadda furitaanka waxaa ka qayb galay masuuliyiin muhiim ah oo ka socday Dowladda Federaalka Soomaaliya, maamulka SSC-Khaatumo, iyo wakiillo ka socday Norwey iyo Iswiidhan oo gacan ka geystay mashruuca.

Dib-u-dhiska cisbitaalka waxaa suurtogal ka dhigay iskaashi ka dhexeeya Dowladaha Norwey iyo Switzerland, iyo sidoo kale taageero ka socotay Hay’adda The Nordic International Support Foundation (NIS), oo ah hay’ad aan faa’iido doon ahayn oo xarunteedu tahay Oslo, Norwey. Cisbitaalka ayaa si weyn u burburay intii uu socday dagaalka gobolka ee 2023, waxaana mashruuca loo sameeyay in cisbitaalkaas dib loogu soo celiyo si buuxda oo u adeegi karo bulshada deegaanka.

Safiir Carlsen, oo ka hadlay munaasabadda furitaanka, ayaa carrabka ku adkeeyay muhiimadda dib-u-dhiska adeegyada muhiimka ah sida caafimaadka ee gobollada ay saameeyeen colaadaha.

“Waxaan ku faraxsanahay in Norwey iyo Iswiidhan ay ka qaybqaateen dib-u-dhiska cisbitaalkan. Cisbitaalkani wuxuu muhiim u ahaa bulshada tan iyo 1950-meeyadii, laakiin colaaddii dhaweyd waxay ka dhigtay mid qeyb ahaan shaqayn kari waayey” ayuu yiri Carlsen.

Safiir Carlsen ayaa sidoo kale xusay muhiimadda iskaashiga caalamiga ah ee dib-u-dhiska kaabayaasha muhiimka ah ee meelaha ay colaadaha saameeyeen. “Marka khilaaf siyaasadeed uu isu beddelo dagaal milatari, shacabka ayuu culeyska ugu badan ka dhaxla,” ayuu yiri.

Imaanshashaan Safiirka Norwey ee Laascaanood waxay ahayd dhacdo taariikhi ah, maadaama uu noqday diblomaasigii ugu horreeyay ee booqda caasimadda SSC-Khaatumo oo ay dowladda Federaalka u aqoonsatay Dowlada Goboleed rasmi sanadkaan.

Share this article

Recent posts

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here