Wednesday, May 8, 2024

Sanbaloolshe oo marki 3-aad loo magacaabay agaasimaha NISA

Muqdisho (Dawan)- Golaha Wasiirrada Soomaaliya ayaa ansixiyey soo jeedinta Wasaaradda Amniga Gudaha ee Agaasimaha Hey’adda Nabad Sugidda iyo Sirdoonka Qaranka in uu noqdo Cabdullaahi Maxamed Cali (Sanbaloolshe).

“Agaasimaha Hey’adda Nabad Sugidda iyo Sirdoonka Qaranka Mudane Cabdullaahi Maxamed Cali, ayaa aqoon iyo khibrad u leh howlaha Sirdoonka iyo nabad-sugidda Qaranka, isaga oo dhowr jeer oo hore soo qabtay xilal kala duwan oo ay kamid yihiin, Wasiir, Xildhibaan ,Danjire iyo Agaasimaha Hey’adda NISA oo uu noqonayo markii saddexaad” ayaa lagu yiri, qoraal kasoo baxay Xafiiska Xukuumadda.

Golaha ayaa uga mahadceliyey Agaasimihii hore ee hey’adda Nabad Sugidda iyo Sirdoonka Qaranka Mudane Mahad Maxamed Salaad muddadii uu xilka hayey shaqadii uu Qaranka u soo qabtay.

Waa Kuma Sanbaloolshe?

Cabdullaahi Maxamed Cali (Sanbaloolshe) waxa uu ku dhashay degmada Buulaburte ee gobolka Hiiraan sannadkii 1968-kii, waxa uuna si weyn uga soo qeyb qaatay dib u dhiskii dowladnimada Soomaaliya , isaga oo kasoo shaqeeyayay qeyabaha diblomaasiyadda, amniga iyo Baarlamaanka.

Marka la eego dhanka amniga ee uu Sanbaloolshe ku caan baxay, waxa uu soo qabtay xilka wasiirka Amniga Qaranka ee dowladdii ku meel gaarka ahayd, sidoo kale waxa uu madax ka noqday Hay’adda Nabad Sugidda iyo Sirdoonka Qaranka xilligii hore ee Xasan Sheekh iyo xilligii Maxamed Cabdullaahi Farmaajo.

Inta uu xilkaas hayay waxaa la xasuusta dhacdooyin waaweyn oo ka dhacay dalka kuwaas oo ay NISA ku lug lahayd sida dagaalkii ay dowladda Xasan Sheekh la gashay qaar ka mid ah siyaasiyiintii hubeysnaa xilligaas iyo dhiibistii Qalbi Dhagax loogu gacan geliyay  dowladda Itoobiya xilligii Farmaajo taas oo ay ka dhaltay caro aad u ballaaran.

Dhanka Diblomaasiyadda, waxa uu Sanbaloolshe safiir kasoo noqday dalalka Boqortooyada Ingiriisa iyo Turkiga xilligi hore ee Xasan Sheekh inkasta oo ay ahayd waqti kooban.

Sanbaloolshe ayaa markii labaad loo doortay xildhibaan ka tirsan Golaha Shacabka bishii March ee sannadkii 2022, isaga oo xilligaas ka mid ahaa siyaasiyiintii sida weyn uga soo horjeeday Madaxweyne Farmaajo.

Share this article

Recent posts

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here