Thursday, November 14, 2024

Sawaxanka Geeska Afrika, Waaqica DDS iyo Mowqifka ONLF

Jigjiga (Dawan)- Waxaa qoray Madaxa Xafiiska Maareynta Khatarta Masiibooyinka ee Dowlad Deegaanka Soomaalida, Axmed Yaasiin Sheikh Ibraahim

Gobolka Geeska Afrika wuxuu ku jiraa marxalad ka fiirsasho badan u baahan, taasoo haddii aan si qodo-dheer loo maaraynin la iman karta natiijo aan la mahadinin. Wadammada iyo ummadaha Gobolka ku wada-dhaqan waxay leeyihiin dano laga yaabo inay mararka qaarkood iska hor-yimaadaan, laakiin haddii si far-san loo maamulo la is-waafajin karo.

Dhinaca kale, waxaa jiri kara wadammo ama ummado Geeska ka baxsan oo danahoodu ku jiraan inay qayb ka noqdaan danaha, inta badan isku falkisan, ee dadyowga Geeska ka dhexeeya.

Haddii aan is dul-taagno qaybaha inaga khuseeya, cilaaqaadka Soomaaliya iyo Itoobiya ma wanaagsana intii ka denbaysay Is-afgaradkii dhex-maray Itoobiya iyo maamulka Somaliland. Waxaa labada dhinac ee Itoobiya iyo Soomaaliya u dhexeeya dagaal diblumaasiyadeed oo aad u qadhaadh, kaasoo ay dalal Gobolka Geeska Afrika ka baxsan faraha la soo galeen.

Masar

Masar waa waddan ku jira Jaamacadda Carabta iyo Midowga Afrika labadaba, waxaana u sahlan inuu saamayn ku yeesho howsha ka dhex-taagan Itoobiya iyo Soomaaliya, isagoo adeegsanaya galaangalka iyo bah-wadaagta uu labadan urur goboleed ku leeyahay, saamayntiisana u isticmaalaya meel-marinta doonistiisa ah inuu cadaadis saaro Itoobiya oo uu ka dhexeeyo khilaaf soo jiitamay oo ku saabsan dhinaca isticmaalka biyaha Wabiga Niilka. Khilaafkani wuxuu soo billowday markii ay Itoobiya kaga dhabaysay dhismaha biya-xidheenka wayn ee Abay, kaasoo shaqadiisii billaabay.

Masar, iyadoo khilaafkaas ka dabaakhtamaysa, ayay heshiis difaac oo cusub la saxiixatay Soomaaliya. Ujeeddada ay Masar ka leedahay heshiisakan waa inay Itoobiya ku cadaadiso inay garowshiiyo ka muujiso tabashadeeda la xidhiidha isticmaaka biyaha Niilka.

Sida cid waliba fahmi karto ujeeddadeedu ma aha inay Soomaaliya ka caawiso la dagaallanka argagixisada. Sababtoo ah, Soomaaliya in ka badan labaatan sano ayay dagaaalka argagixisada ku jirtay, taageero iyo hiil sokeeyana u baahnayd, balse Soomaaliya marna dabac iyo garab-istaag kama ayna helin xukuumadda Masar. Hadda waxa keenay waa danaheeda oo kaliya. Maalinta ay danaheedu u fulaana bustaheeda way ka laa-laaban doontaa Gobolka.

Turkiga

Waddanka Turkigu waa waddan wayn oo saamayn ku leh meelo badan oo caalamka ka mid ah, wuxuuna xilliyadii denbe oo dhan ku dadaalayay inuu saamayn luxdan ku yeesho wadammada Afrika iyo kuwa caalamka islaamka, isla markaana uu buuxiyo kaalintii ay banneeyeen wadammadii Carabta ee bari saamaynta ku lahaan jiray caalamka islaamka.

Turkigu wuxuu muddo dheer ku howllanaa gacan-qabashada Soomaaliya iyo sidii ay uga bixi lahayd dhibaatada iyo colaadaha ay ku jirto. Wuxuu xoogga saaray inuu qayb ka noqdo dhisida cududda ciidammada Soomaaliya, isagoo tababarro iyo qalabayn labadaba isugu daray. Wuxuu sidoo kale ka shaqeeyay arrimaha bani’aadamnimada iyo dhismaha kaabayaashii adeeg bixinta ee burburay, sida isbitaallada iyo dugsiyada. Wuxuu kaloo miciin siyaasadeed u noqday xukuumadihii Soomaaliya u kala denbeeyay isagoo golayaal waawayn ka taageeray, isla markaana fududeeyay isku xidhka dhaqaale, siyaasadeed iyo bulsho ee labada dadyow ee Turkida iyo Soomaalida u dhaxayn kara.

Hase yeeshee, in kastoo Turkigu uu xilli hore garab-istaag u muujiyay Soomaaliya, hadd heshiisyadii ugu denbeeyay ee labada dhinac dhex-maray wuxuu miisaankooda ugu wayni ku salaysan yahay arrimo dhaqaale. Soomaaliya waxay waddanka Turkiga siisay heshiis la rumaysan yahay inuu adduun badan ka tabci doono. Waxaa sharikada batroolka ee dalka Turkiga (dowlada ayaa iska leh) lala saxiixday heshiis dhigaya inay shidaal ka baadho oo ka qaddo 3 lakab (blocks) oo Badda Soomaaliya ah, waxaana hadda xeebaha Soomaaliya ku soo wajahan 6 markab oo qaarkood maraakiib dagaal yihiin, kuwaasoo daadihinaya Markabka lagu magacaabo Oruc Reis, oo shidaal ka baadhi doona seddex lakab, oo mid waliba ku fadhiyo 5,000 KM oo isku-weer ah.

Dhinaca kale, wuxuu Turkigu xidhiidh ganacsi oo wanaagsan la leeyahay Itoobiya, mana doonayo inuu lumiyo danaha dhaqaale ee Itoobiya uu la wadaago, sidaas darteed wuxuu muddooyinkii denbe oo dhan ku dadaalayay inuu wada-hadalsiiyo Itoobiya iyo Soomaaliya, si uu isu waafajiyo danaha uu labada dal ka leeyahay. Tallaabo kasta uu Turkigu qaadayo waxay ku salaysan tahay dantiisa, wuxuuna middaas kala mid yahay caalamka intiisa kale.

Waaqica DDS iyo saamaynta ku iman karta

Deegaanka Soomaalidu wuxuu hadda haystaa nabadgelyo luxdan iyo xasillooni aan horay u soo marin. Inta la xusuusto, Deegaanka soomaalidu wuxuu ahaan jiray meel ay ka jiraan dagaallo iyo halgano lagu difaacayo jiritaanka qowmiyada Soomaaliyeed, iyo raadinta xuquuqaha ka maqan. Xukuumadihii Itoobiya ka jiri jiray waxay iyaguna halgannadaas kala hor-tegi jireen cabudhin iyo cadaadin loo adeegsanayo awood millatari oo saa’id ah, mana ayna dhici jirin in wax garowshiiyo ah laga muujiyo doonista shacabka Soomaaliyeed ee deegaanka. Taasi waxay keeni jirtay in deegaanku uuna marna xasillooni helin, mar walbana ay jirayeen dhaqdhaqaaqyo keena-diid ah oo ka gadooda gumaysiga iyo quudhsiga.

Hase yeeshee, intii ka denbaysay is-beddalkii siyaasadeed ee Itoobiya ka dhacay sannadkii 2018, ee xilka lagaga tuuray nidaamkii denbiilaha ahaa ee TPLF ay hormuudka ka ahayd, waxaa Deegaanka Soomaalida ka hirgalay is-beddal siyaasadeed oo wax wayn ka beddalay qaabkii deegaanka loo maamuli jiray.

Waxaa siyaasada Deegaanka gacanta ku dhigay dhalinyaro Soomaaliyeed oo aan ka soo qayb qaadanin denbiyadii iyo xasuuqyadii deegaanka ka dhacayay muddadii ay TPLF gacanta ku haysay talada dalka. Hoggaanka cusub ee talada deegaanka qabtay wuxuu abuuray furfurnaan siyaasadeed oo aan taariikhda deegaanka horay u soo marin, xilli waliba ay jireen caqabado badan oo ka imanayay dhinaca xulufadii TPLF ee talada deegaanka ku amar-ku-taaglayn jiray.

Waxaa la soo dhiciyay qaybo badan oo ka mid ah xuquuqihii deegaanka ka maqnaa ee sida nidaamsan loogu diiddanaa. Waxaa meesha laga saaray fara-galintii badnayd ee hoggaaminta Soomaalida mar walba lagaga dalfinayay inay maslaxadda deegaanka ka shaqeeyaan ee lagu riixayay inay mudnaanta koobaad siiyaan danaha dhinacyo kale oon Soomaali ahayn.

Waxaa wax badan laga qabtay tabashooyinkii shacabka ee la xidhiidhay adeegyada asaasiga ah ee xukuumaddu ay bixiso. Waxaa si hagar la’aan ah looga hortegay isku-day kasta oo xad-gudub ku ah xuduudaha deegaanka Soomaalida. Waxaa si wayn loo ilaaliyay, intii suuragal ah, xuquuqda shaqsiga ah ee dadka, taasoo horseeday in dadwaynuhu ay si xor ah u cabiraan aragtidooda siyaasadeed iyo sida ay u arkaan kartida iyo wax-qabadka xukuumadda deegaanka ka talisa.

Arrimahan oo dhan waxay horseedeen in deegaanka Soomaalida uu si wanaagsan uga hirgalo degganaansho iyo xasillooni siyaasadeed oo aan horay u soo marin, laakiin taasi kama dhigna in shacabka Soomaaliyeed ee deegaanku ay heleen wixii ay u halgamayeen oo dhan, balse waxay haystaan fursad ay wixii ka maqana ku raadsan karaan, waxa ay haystaana ay ku ilaashan karaan.

Haddaba, iyadoo uu wadciga deegaanka Soomaalidu sidaas yahay, haddana waxaa suuragal ah in xiisadaha Gobolka ka jiraa ay si uun u saameeyaan, sidaas darteed waxaa loo baahan yahay in tallaabo kasta oo la qaadayo la hubiyo inay ka tarjumayso danaha shacabka Soomaaliyeed ee deegaanka, isla markaana aan lagu sirmin durbaannada ay dadyowga kale tumayaan ee danahooda ugu meel-dayayaan.

Masiirka shacabka Soomaaliyeed ee deegaanku wuxuu ka go’aa dadka deegaanka, iyaga ayaana garanaya meesha ay dantoodu ku jirto iyo qaabka ay u raadsanayaan. Waana fahan-siyaasadeed laguma xad-gudbaan ah oo la rabo inay ka midaysnaadaan danlayda siyaasadeed iyo waxgaradka deegaanku.

Aragtida ONLF

Ururka ONLF, tan iyo markii la asaasay, wuxuu u tagnaa raadinta xuquuqda shacabka Soomaaliyeed ee deegaanka Soomaalida ee jujuubka iyo cabudhiska lagu maamulayay. Wuxuu halgankiisa ku billaabay hab nabadeed, hase yeeshee waxaa lagu qasbay inuu dagaal hubaysan la galo nidaamkii TPLF ee talada hayay. Markii ay is-bishay fursada ah inuu ahdaaftiisa ku higsan karo hab nabadeedna wuu ka faa’iidaystay, isagoo deegaanka ku yimid heshiis nabadeed oo dowlada talada haysa uu la galay.

Ururka ONLF wuxuu sal-dhig muhiim ah u yahay nabadgelyada iyo xasilloonida siyaasadeed ee maanta ka jirta deegaanka Soomaalida. Isaguna wuxuu dareensan yahay masuuliyada ka saaran adkaynta nabadda iyo xasilloonida, wuxuuna, tan iyo markii uu gudaha soo galay, wadashaqayn dhow la leeyahay xukuumadaha dalka iyo deegaanka, si uu u guto waajibka dhiniciisa ka saaran ka faa’iidaysiga marxaladdan mar la-aragta ah ee soo martay shacabka deegaanka.

In kastoo ay jirto kala aragti duwanaansho ururka dhexdiisa ah oo mararka qaarkood carqaladayn karta wadashaqaynta wanaagsan ee u dhaxaysa ururka iyo xukuumadda deegaanka, haddana waxaa lagu guulaysatay in wadashaqayntu ay taabba-gal noqoto, isla markaana ayna la dhaawacmin dhaqdhaqaaqyada aan caafimaadka qabin ee shaqsiyaad ka mid ah hoggaaminta ururku (garabkii falaagoobay) ay ku hilaadinayaan dano iyaga u gaar ah.

Dhowrkii sano ee u denbeeyay waxay shaqsiyaadkaasi wadeen dadaallo ay meel walba u galayeen, kuwaasoo ay ku raadinayaan fursado ay ku gaadhi karaan himilada qofeedee ay leeyihiin, iyagoon marnaba xeerinaynin danaha guud ee bulshada iyo waxa mustaqbalkeeda u wanaagsan. Shaqsiyaadkaas waxba kuma aha inay dhex-rooraan sawaxanka ka jira Gobolka Geeska Afrika, isla markaana ay ka raadiyaan kasab-siyaasadeed aan dhaafsiisnayn maslaxaddooda qofeed.

Mowqifka ONLF ee la xidhiidha xiisadaha Geeska ka jira wuu cad yahay, wuxuuna ku qotomaa istiraatiijiyadii uu qaatay ee ahayd inuu ahdaaftiisa siyaasadeed ku raadiyo hab nabadeed, wixii ku qalloocana uu nidaam iyo sharci u maro, cid kasta oo danaha shacabka iyo mustaqbalka deegaanka ka shaqaynaysana uu iskaashi dhow la yeesho.

Ururka ONLF wuxuu wax walba ka hormarinayaa danaha shacabkiisa iyo qadiyadiisa, isagoo mar kasta go’aannadiisa masiiriga ah ku salaynaya danaha guud ee deegaanka. Wuxuuna rumaysan yahay in danaha guud ee deegaanku ayna maanta la jaan-qaadi karin durbaannada ay tumayaan dadyow kale oo doonaya inay naga dhigtaan sallaan ay danahooda gaarka ah ku gaadhaan.

Share this article

Recent posts

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here