Saturday, May 24, 2025

Shariif Sheekh Axmed: Dowladda Soomaaliya Wariyeyaasha Ayay Caburin Ku Hayaan

Muqdisho, Soomaaliya – Madaxweynihii hore ee Soomaaliya, Shariif Sheekh Axmed, ayaa si xooggan ugu cambaareeyey dowladda xadgudubka xuquuqda wariyeyaasha, isagoo ku eedeeyey maamulka in uu caburin ku hayo xoriyadda hadalka iyo xuquuqda aadanaha.

Shirjaraaid oo uu qabatay maanta madaxweynihii hore ayaa si cad uga hadlay xariga toddobo wariye oo maanta ka dhacay Muqdisho, kuwaasoo uu sheegay in la xiray iyagoo ku guda jireen wareysiyo ay ka qaadeynayeen shacabka ku saabsan xaaladda dalka.

Wariyayaasha la xiray ayaa ka kala socday warbahinnada kala ah Shabeelle TV , Goobjoog TV, SYL TV iyo Somalia Cable TV iyagoo laga xiray degmada Hodan.

Shariif ayaa ku tilmaamay falkaasi “mid aad u fool xun” wuxuuna ku cambaareeyey dowladda dhaqanka ay ku leedahay xiridda wariyeyaasha, taasoo uu ku sheegay in ay si toos ah u jebineyso xuquuqda saxaafadda iyo xuquuqda xoriyadda hadalka.

Wuxuu xusay in wariyeyaashu ay door muhiim ah ka ciyaareen dib u dhiska dalka, isla markaana ay naftooda u hurayaan si ay u soo bandhigaan arrimaha muhiimka ah ee bulshada.

” Waxaan ku cambaareynaynaa dowladda inay xirto wariyeyaashii runtii qayb ka ahaa dhismaha dowladnimada, kuwaasoo wakhtigooda u soo huray,” ayuu yiri Shariif.

Madaxweynihii hore ayaa sidoo kale sheegay in dowadda aysan u adkeesan karin ra’yiga dadka iyadoo dowladad ays heegeyso inay rabto inay qabato dooraso qof iyo cod ah.

Shariif ayaa ku baaqay in dowladda ay joojiso caburinta shacabka Soomaaliyeed, taasoo bedelkeeda ay diiradda saarto la dagaalanka alshabaab iyo xalinta dhibaatooyinka kale ee ka jira dalka,wariyeyaashaasna la sii daayo.

Share this article

Recent posts

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here