Muqdisho, Soomaaliya – Madaxweynihii hore ee dowladdii ku meel gaarka ahayd ee Soomaaliya, Shariif Sheekh Axmed, ayaa si adag u dhaliilay shirkii Golaha Wadatashiga Qaran (GWQ) ee dhawaan lagu soo gabagabeeyay Muqdisho, isaga oo ku eedeeyay inuu isu rogay olole siyaasadeed halkii laga filayay in lagu mideeyo ummadda Soomaaliyeed.
Shariif oo hadalkan ku sheegay muuqaal uu shalay baahiyay, ayaa sheegay in shirkaasi uu noqday mid sii kala fogeynaya gobollada dalka, taas oo uu ku sifeeyay aragtiyad-xumo ka muuqata madaxda talada haysa. “In layiraahdo waxa akloo xuubsiibanayaa xisbi weyn waxay muujineysaa aragti gaabnida”ayuu yiri Shariif
Wuxuu xusay in horey loo isku dayay in inqilaab lagu sameeyo Jubbaland iyadoo ciidamo loo diray, taasina ay ahayd tallaabo ka hor imaneysa xeerarka iyo is-aqoonsiga dowlad goboleedyada. Wuxuu sidoo kalesheegay in meel aysan dowladad gacan ku heyn oo oo aysan maaulkeeda leheyn ay maamul cusub ka dul dhisto ay tahay riwaayad.
“Meelo aadan gacanta ku haynin, oo aadan talo ku lahayn, inaad tiraahdo maamul ayaan ka dhisayaa ,waa nasiib-darro,” ayuu yiri Shariif.
Hadalkan ayaa imanaya kadib markii Golaha Wadatashiga Qaran uu 7-dii May 2025 soo jeediyay in Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dib-u-heshiisiinta ay diyaarsato talooyin ku saabsan xalinta xaaladda Jubbaland, iyada oo lagu saleynayo dastuurka iyo shuruucda dalka.