Saturday, July 27, 2024

Soomaaliya oo xusul duub ugu jirta hoggaaminta Baarlamaanka Adduunka

Muqdisho (Dawan)- Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Soomaaliya ayaa 9-kii bishaan Septemebr garab istaag iyo taageero u muujiyay xildhibaanad Marwa Cabdi Bashiir oo u tartameysa xilka Madaxweynaha Midowga Baarlamaanka Adduunka ee lagu ballansanyahay in la doorto bisha October ee soo socota.

Xubnaha Golaha Shacabka ayaa qoondeeyay in lacag lagu taageero ololaha Marwa Cabdi Bashiir laga jaro mushaarkooda.

Khudbad ay u jeedisay Golaha Shacabka ayay Xildhibaanaddu ku sharraxday sababta ku kalliftay in ay xilkaan isu soo taagto iyo qorshaheeda ay dooneyso inay ku hoggaamiso Baarlamaanka Adduunka haddii ay ku guuleysato.


Xildhibaanad Marwa Cabdi Bashiir ayaa sheegtay in ku guuleysigeeda xilkaan usoo hooy doono Soomaaliya awood siyaasadeed oo ay ugu fududaan karto in lagu xoojiyo xiriiirka caalamiga ah iyo in magaca Soomaaliyeed mar kale kusoo laabto fagaaraha dunida.
“Haddaan ku guuleysto Hoggaanka Baarlamaanka Adduunka, waxaa xoogeysan doona xiriirka dalkeenu la leeyahay dalalka kale siyaasaad iyo diblomaasiyad ahaan, waxaana fagaaraha caalamiga kusoo bandhigi doonna aragtideena si aan uga qeyb qaadano go’aanada caalamiga ah “ ayey tiri, Marwa Cabdi Bashiir.


Haddaba si loo dardargeliyo dadaallada dowladda Soomaaliya ay ugu jirto ku guuleysiga Madaxweynaha Baarlamaanka Adduunka, ayaa Guddoonka Golaha Shacabku u diray Baarlamaannada dowladaha kale warqado iyo codsi si ay codkooda u siiysaan Marwo Cabdi Bashiir doorashada dhaceysa bisha October.


Xoghayaha Guud ee Golaha Soomaaliya, Cabdiraxmaan Muxumed Cabdulle Jaabiri oo dhawaan uga qeyb galay magaalada Doha ee dalka Qatar shirka xogayaasha Baarlamaanka Jaamacadda Carabta ayaa kala hadlay mas’uuliyiinta Baarlamaanada Carabta sidii Soomaaliya loogu garab istaagi lahaa ku guuleysiga Madaxweynaha Midowga Baarlamaanka Adduunka kaas oo noqon doona guul usoo wada hoyata bahda Carabta.

“ Waxaan hoosta ka xarriiqa in tartamidda Marwo Cabdi Bashiir tahay tillaabo muujineysa kasoo kabashada nabaradda colaadda iyo dhibaatadii soo gaartay dalka Soomaaliya, waxaana aaminsanahay in taageeridiinu kor u qaadi doonto inay Soomaaliya dib ugu soo laabtao faagaraha caalamka” ayaa lagu yiri qoraal ay ku saxiixantahay Guddoomiye ku Xigeenka koowaad ee Golaha Shacabka, Marwo Sacdiya Yaasiin Xaaji Samatar oo loo diray Guddoonka Baarlamaanka Adduunka.


Xildhibaanad Marwa Cabdi Bashiir, oo dadaal ugu jirta sidii ay ku hanan lahayd xilkaan ayaa dhawan booqatay dalka Jabuuti waxeyna kulan is xog wareysi ah la yeelatay Guddoomiye Dileita Maxamed Dileita.
Labada dhinac ayaa isla garaty in taageero xoogan loo muujiyo Soomaaliya iyada oo Guddomiyaha Baarlamaanka Jabuuti hoosta ka xariiqay in Jabuuti garab taagantahay had iyo jeer Soomaaliya si ay uga soo muuqato fagaraha dundia.

Marwa Cabdi Bashiir waxa ay in ka badan 15 sano oo waayo-aragnimo ah u leedahay ka shaqeynta hay’adaha dowliga waxeyna fahan buuxa ka heysata arrimaha siyaasadda, ganacsiga iyo maamulka, iyada oo la taliye kasoo noqotay hay’ado caalami ah iyo Wasaaradaha Soomaaliya.

Marwa Cabdi Bashiir ayaa Maamulka iyo Ganacsiga kasoo baratay Algonquin University, Ottawa, Canada, waxeyna ku hadasha luqaddaha Carabiga iyo English.
Xildhibaanadda ayaa hadda ah guddoomiye ku-xigeenka guddiga kheyraadka dabiiciga ah ee Golaha Shacabka Soomaaliya.
“Waxaan ku guuleysan doona codkiina , waxaana ka shaqeyn doona kor u qaadista iyo horumarinta mabaadi’da dimoquraadiyadda, hufnaanta iyo isla xisaabtanka” ayey Marwa Cabdi Bashiir ku tiri qoraalkeeda raacsan codsiga murahshaxnimada.


Bayaan kasoo baxay Baarlamaanka adduunka ayaa lagu sheegay in Madaxweynaha 31- aad ee Midowga Baarlaamaanka Adduunka la dooran doono kalfadhiga 147-aad ee ka dhacaya magaaalda Luanda ee dalka Angola inta u dhaxeysa 23 ilaa 27 Oktoobar.
Bayaanka ayaa intaas ku daray in afar murashax ilaa iyo hadda isu soo taagen xilka Madaxweynaha Baarlmaanka Adduunka kuwaas oo dhammaantood ah haweeyn kasoo jeeda qaaradda Afrika.


Seddexda haween ee iyaguna xilkaan u taagan ayaa kala ah Adji Diarra Mergane Kanouté, oo kasoo jeeda dalka Senegal, Catherine Gotani Hara oo ah haweeneydi ugu horeysay ee noqota Guddoomiyaha Baarlmaanka Malawi iyo Tulia Ackson oo ah hadda ah Guddoomiyaha Golaha Barlamaanka Tanzania
Sida lagu ogaaday ra’yi uruurin la sameeyay, waxaa loolan adag dhex mari doona
Marwa Cabdi Bashiir iyo Tulia Ackson oo kasoo jeeda Tanzania, waxaana la aaminsanyahay in labadaan murashax heystaan taageero xooggan oo u suurta gelin karta ku guuleysiga xilka Madaxweynaha Baarlamaanka Adduunka.

Midowga Baarlamaanka Adduunka ayaa ah urur caalami ah oo ay ku mideysan yihiin Barlamaanada Caalamka si loo xoojiyo xiriirka golayaasha sharci dejinta ee dunida, waxeyna doortaan madaxweyne hoggaamiya seddexdii sanaba mar.
Ururkaan ayaa ka shaqeeya hirgelinta baahinta dimoquraadiyadda, fursad u siinta dhallinyarada inay ka qeyb qaataan Baarlamaanada iyo difaacidda xuquuqda aadanaha.
25-kii sano ee la soo dhaafay, waxaa xilka madaxtinimo ee Midowga Baarlamaanka Adduunka qabtay xildhibaanno caan ah oo kasoo kala jeeday dalalka Masar, Spain, India, Chile, Italy, Namibia, Morocco, Bangladesh, Mexico iyo Portugal.

Share this article

Recent posts

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here