Wednesday, April 2, 2025

Shiinaha oo dhoolla-tus milatari ka wada agagaarka Taiwan

Dowladda Shiinaha ayaa Talaadadii si rasmi ah u billowday dhoolatusyo milatari oo ballaaran oo ay ka qeyb qaadanayaan cutubyada ciidamada dhulka, cirka, badda iyo gantaallada, kuwaas oo laga wado agagaarka jasiiradda Taiwan. Taliska Bariga ee Ciidanka Difaaca Shacabka Shiinaha (PLA) ayaa sheegay in tababarradan ay yihiin “digniin culus iyo cabsigelin xooggan” oo loo dirayo xoogagga Taiwan ee u ololeynaya madax-bannaani buuxda.

War rasmi ah oo laga sii daayay warbaahinta dowladda Shiinaha ayaa lagu xusay in ololahan militari uu yahay mid si toos ah uga dhan ah “dhaqdhaqaaqyada kala qeybinta ee khatarta ku haya midnimada dalka”, iyadoo lagu adkeynayo mowqifka Beijing ee ah in Taiwan tahay qayb aan laga go’i karin oo ka mid ah dhulka Shiinaha.

Taiwan oo ka falcelisay
Wasaaradda Gaashaandhigga Taiwan ayaa dhankeeda ku dhawaaqday in maraakiib dagaal oo uu hoggaaminayo markabka diyaaradaha qaada ee Shandong ay ka muuqdeen meel u dhow xeebaha Taiwan laga bilaabo 29-kii Maarso, iyadoo shalay si toos ah u soo galeen aagga jawaabta difaaca ee Taiwan.

Sida lagu sheegay qoraal ay wasaaraddu ku daabacday barta X (Twitter hore), ilaa 6:00 subaxnimo waqtiga maxalliga ah waxaa la diiwaan geliyay 19 markab dagaal oo Shiinaha leeyahay oo ku sugnaa biyaha u dhow Taiwan.

Wasaaradda ayaa talaabadaasi ku tilmaamtay mid “dhiirranaan la’aan ah oo carqaladaynaysa xasilloonida gobolka”, iyadoo intaas ku dartay:

“Taiwan waxay si adag u cambaareyneysaa falalka militariga Shiinaha. Waxaan u taaganahay difaaca dimuqraadiyadda, xorriyadda, iyo madax-bannaanida dhuleed ee jamhuuriyadda Taiwan.”

Xiisad sii kordheysa
Xiisadda u dhaxeysa Shiinaha iyo Taiwan ayaa sii xoogeysatay sanadihii dambe, iyadoo Beijing ay xoojisay cadaadiska milatari iyo diblomaasiyadeed si ay u muquuniso Taipei. Shiinaha wuxuu Taiwan u arkaa gobol ka go’ay oo weli ka tirsan Shiinaha, halka Taiwan ay isu aragto dowlad madax-bannaan oo leh nidaam dimoqraadi ah iyo madaxweyne si xor ah loo doortay.

Xiisaddaan cusub ee Shiinaha uu fuliyay ayaa loo arkaa mid sii hurin kara xiisadda gobolka, iyadoo weli beesha caalamka ay ugu baaqayso labada dhinac in ay ka fogaadaan tallaabo kasta oo horseedi karta isku dhacyo milatari.

Share this article

Recent posts

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here