Shirweynaha dhamaystirka dhismaha maamulka SSC-Khaatumo ayaa maanta oo Axad ah si rasmi ah uga furmaya magaalada Laascaanood, kaddib laba jeer oo uu dib u dhacay. Shirka oo muhiimad weyn u leh mustaqbalka maamulka iyo qaab-dhismeedka siyaasadeed ee SSC-Khaatumo ayaa wajahaya duruufo adag oo siyaasadeed iyo bulsho.
Shirkan oo markii hore lagu waday inuu furmo Khamiistii iyo Sabdigii ayaa dib u dhacay sababo la xiriiray arrimo farsamo, sida uu warbaahinta u sheegay Wasiirka Warfaafinta ee maamulka SSC-Khaatumo, Najiib Barkhadle Warsame waxa uu sidoo kale sheegay in Axadda uu furmayo Shirka.
Baaqashada shirka ayaa si weyn loogu sababeeyay khilaafaad u dhexeeya beelaha dega SSC, kuwaas oo salka ku haya matalaad siyaasadeed iyo qeybsiga awoodda iyadoo Dowladda Dhxe oo ku sugana Laascaanood oo xarun u ah maamulka ayaa tan iyo Khamiistii waday kulamo beelaha dega deegaank ay la yeelanayeen.
Sidoo kale shirka ayaa wajahaya diidmooyin ka imaaneysa qaar ka mid ah musharraxiinta madaxweynaha SSC-Khaatumo oo shaaciyeen inaysan ka qeeb galeen, iyaga oo ku eedeeyay madaxda hadda talada haysa iney “ku tuntay heshiisyadii iyo sharciyaddii maamulka.”
Sidoo kale, qaar ka mid ah isimada dhaqanka gobolka ayaa si cad u dhaleeceeyay qaabka uu shirku ku wajahan yahay, iyaga oo sheegay in habraaca uu ka turjumeyn rabitaanka beelaha deegaanka, ayna jirto baahi loo qabo dib-u-eegis iyo dib-u-heshiisiin dhab ah.
Shirka maanta lagu wado in uu furmo ayaa waxaa goobjoog ka ah mas’uuliyiin ka tirsan dowladda federaalka Soomaaliya, kuwaas oo la filayo inay furaan isla markaan korjoogto ka noqdaan habsami u socodka geedi-socodka shirka.
Inkasta oo furitaanka shirka maanta loo arko mid muhiim ah, hadana waxa uu furmayaa xilli ay weli jiraan walaacyo la xiriira kalsoonida siyaasadeed ee u dhaxaysa hogaanka maamulka, beelaha deegaanka, iyo musharraxiinta daneynaya iney qayb ka noqdaan hoggaanka cusub ee la dhisayo.
Shirka ayaa ah mid natiijadiisu saameyn toos ah ku yeelan doonto jihada siyaasadeed ee deegaanka Sool, Sanaag iyo Cayn. Waxa ay shacabka deegaanka iyo guud ahaan dadka Soomaaliyeed indhaha ku hayaan waxa ka soo baxa maalmaha soo socda.Shirweynihii SSC-Khaatumo oo maanta ka furmaya Laascaanood, Kadib Labo Baaqasho