Saturday, July 27, 2024

Dr Baadiyoow oo loo magacaabay lataliyaha arrimaha dib u heshiisiinta

Muqdisho (Dawan)- Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Dr. Xasan Sheekh Maxamuud ayaa u magacaabay in uu noqdo Lataliyaha Madaxweynaha ee arrimaha dib u heshiisiinta, Mudane Dr. Cabdiraxmaan Macallin Cabdullaahi Baadiyoow oo horay u ahaa Lataliyaha Madaxweynaha ee arrimaha Dastuurka, sida ay shaacisay Villa Somalia.

Dr. Cabdiraxmaan Macallin Cabdullaahi Baadiyoow oo dalka kasoo qabtay mas’uuliyado kala duwan ayaa aqoon iyo waayo aragnimo u leh arrimaha dib u heshiisiinta bulshada Soomaaliyeed , taasi oo mudnaan gaar ah u leh dowlad-dhiska iyo horumarinta dalkeenna”. ayaa lagu yiri, qoraalka kasoo baxay Villa Somalia.

Madaxweyne Xasan ayaa kula dardaarmay Lataliyaha in uu ku biiriyo aqoontiisa iyo waayo aragnimadiisa, qorshaha qaran ee lagu gaarayo heshiis buuxa oo dhexmara Ummadda Soomaaliyeed.

Magacaabistaan cusub ayaa kusoo aadaysa kadib markii agaasimihii hore ee Madaxtooyada Xuseen Sheekh Maxamuud loo magacaabay Lataliyaha Madaxweynaha ee arrimaha Dastuurka.

Dr Baadiyoow ayaa lagu xasuustaa kaalintii uu kasoo qaatay dib u heshiisiinta qabiilada Soomaaliyeed iyo shirkii Carta ee dib loogu taagay dowladnimada Soomaaliya, isaga oo sidoo kale dowr muhiim kasoo qaatay waxbarashada ahliga ah ee dalka ka hana qaaday kadib burburkii dowladdii dhexe.

Share this article

Recent posts

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here