Hargeysa (Dawan)- Min Hargeysa ilaa Muqdisho. Jabuuti ilaa Jigjiga iyo magaalooyinka kale ee Soomaalida, waxaa mar qura is qabsaday dhambaallada tacsida ah kadib markii la xaqiijiyay inuu geeriyooday madaxweynihii afaraad ee Somaliland, Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo). Farriimaha tacsisidiisa ee madaxda kala duwan iyo waxgaradku waxay muujinayan shaqsiyadda Siilaanyo oo ahaa mid ka mid ah siyaasiyiinta Soomaaliyeed ee ka tegay wax badan oo lagu xasuusan karo.
Hadaba maxaan ka naqaanaa taariikda Siilaanyo?
Dhalashada iyo Waxbarashadiisi Asaasiga
Axmed Maxamed Maxamuud, oo caan ku ahaa “Siilaanyo” , wuxuu ku dhashay magaalada Burco ee gobolka Togheer sannadkii 1936kii. Mararka qaarna waxaa lagu sheegaa sanadka dhalashadiisa 1938. Waxbarashadiisii asaasiga, waxa uu kusoo qaatay 1940 meeyadii ilaa 60 meeyadii dugsiyadii Sheekh iyo Cammuud.
Dibadda iyo Waxbarashadiisa Sare
Horaantii 1960, waxa uu Siilaanyo nasiib u yeeshay inuu helo fursad uu waxbarasho ugu aado Ingiriiska, isaga oo dhaqaalaha kasoo bartay Jaamcadda Manchester kana gaaray darajada Master-ka
Dib u soo noqoshadiisi iyo xilalalkii dowladdii Soomaaliya
Axmed Siilaanyo wuxuu ka shaqa billaabay Wasaaraddii Qorsheynta ee dowladdii rayidka ahayd sannadihii 1965kii ilaa 1969kii, isagoo gaaray heerka Agaasime Guud. Markii ciidamdu xoog kula wareegeen talada dalka 21kii October 1969kii, waxaa loo magacaabay Wasiirkii Qorsheynta. Xilalka kale ee uu soo qabtay waxaa ka mid ahaa; Wasiirkii Ganacsiga iyo Guddoomiyihii Guddiga Dhaqaalaha Qaranka.
Siilaanyo waxa uu ka mid noqday aqoonayahanno iyo siyaasiyiin isaga cararay dalka kadib markii hoos loo dhigay maqaamkii ay ku lahaayeen dowladda 1982.
Ku Biiristii Jabhadda SNM
Horraantii 1980 meeyadii, Siilaanyo wuxuu u wareegay magaalada London, halkaas oo uu ku biiray Jabhaddii (SNM) ee kasoo horjeeday siyaasaddii Maxamed siyaad Barre, isaga oo noqday wakiilka SNM ee xafiiska London, kadibna waxa uu noqday guddoomiyihii jabhadda sannadihii 1984kii ilaa 1990kii.
Kaalintiisii gooni isu taagga Somaliland
Siilaanyo waxaa lagu tiriyaa aqoonayahanadii door muhiim ah ka ciyaaray shirweynihii nabadeynta beelaha Somaliland ee ka dhacay magaalada Burco bishii May 1991kii, kadibna looga dhawaaqay gooni isu taagga Somaliland iyo inay ka go’day Soomaalida inteeda kale.
Axmed Siilaanyo wuxuu xubin ka noqday Baarlamaankii Somaliland intii u dhaxaysay 1993kii ilaa 1997kii. Sannadihii 1997kii ilaa 2000, wuxuu ka mid noqday golaha xukuumadda Somaliland, isagoo qabtay xilalka: Wasiirka Maaliyadda iyo Wasiirka Qorsheynta
Aasaasiddii Xisbiga Kulmiye iyo madaxweynihii 4aad ee Somaliland
Markii ay axsaabtu ka curteen Somaliland, Siilaanyo wuxuu dhidibada u taagay sannadkii 2002, xisbigii mucaaridka ahaa ee Kulmiye, , isagoo noqday guddoomiyaha xisbiga. Siilaanyo waxa uu xilligaas ahaa mucaaradka ugu waynaa ee Daahir Rayaale Kaahin.
Doorashadii madaxtooyada ee la qabtay April 2003, waxaa looga guuleystay si dirqi ah balse kama quusan inuu mar kale isu soo taago madaxtinimada taas oo ugu dambeyn keentay in la doorto sannadkii 2010kii.
Inti uu xilka hayay, waxqabadkiisa waxaa laga xasuusan karaa inuu dhisay hay’adaha muhiimka ah ee Somaliland, dhaqaajintii adeegyada horumrka iyo inuu billaabay wadahaddalladii dowladda Soomaaliya.
Muddo todobo sano ah kadib oo uu xukumayay Somaliland, waxa uu soo dhisay Muuse Biixi Cabdi oo xilka kala wareegay sannadkii 2017 kadib doorasho adag oo dhex martay Biixi iyo Cirro.
Muddadaas kadib waxa uu ahaa Siilaanyo howlgab, waxa uuna ugu dambeyntii xalay ku geeriyooday magaalada Hargeysa.