Sunday, September 14, 2025

Siyaasiyiinta Soomaaliyeed oo ku biiraya Suuqa Xayaysiinta

Muqdisho (Dawan) – Suuqa xayaysiinta Soomaaliya waxa uu muujinayaa isbeddel cusub, iyadoo siyaasiyiinta Soomaaliyeed ay si tartiib tartiib ah ugu soo biirayaan. Tani waxay muujineysaa in xayaysiinta ay noqon karto qalab awood leh, oo siyaasiyiintu ay u adeegsan karaan sidii ay u kordhin lahaayeen xiriirkooda bulshada iyo taageeradooda siyaasadeed.

Madaxweynihii hore ee Hirshabeelle, Cali Cabdullaahi Cosoble, ayaa ka mid ah siyaasiyiinta ugu horreeya ee kasoo muuqday xayaysiinta, isagoo ka qayb qaatay olole xayaysiin ah oo ku saabsan maqaayad ku taalla Muqdisho.

Xildhibaan Cabdiraxmaan Maxamed, oo ka mid ah Golaha Shacabka, ayaa sidoo kale muuqaal xayaysiin ah laga arkay isagoo ku baaqaya in saaxiibadiisa Golaha Shacabka ay yimaadaan xarunta daryeelka timaha ee uu adeegga ka helay.

Wasiirka Cadaaladda iyo Dastuurka Soomaaliya, Xasan Macallin ayaa isna qeyb ka noqday furitaanka maqaaxi cusub oo laga furay magaalada Nairobi, isagoo sidoo kale ka muuqday muuqaal xayaysiin ah. Wasiirka ayaa ka mid ahaa dadka ugu horreeya ee lagu arkay muuqaalka xayaysiinta daahfurka goobtaasi.

Si kastaba ha ahaatee, qaar ka mid ah dadka ka shaqeeya xayaysiinta ayaa sheegay in aysan jirin wax culeys ah oo ay ka qabaan siyaasiyiinta inay la wareegaan suuqa xayaysiinta. Si kastaba ha ahaatee, waxay tilmaameen in helitaanka siyaasiyiinta iyo masuuliyiinta ay tahay arrin aad u adag, iyadoo sidoo kale ay jiraan dhibaatooyin la xiriira ka go’naansho la’aanta iyo lacagtooda badan oo ganacsiga uusan awoodin inuu daboolo.

Bisle, suuqgeeye iyo falanqeeye arrimaha bulshada, ayaa yiri:
“Suuqa xumo badan ma keeni karo, laakiin waa macquul inay siyaasiyiinta badan ee soo galaan oo ay aqbalaan in sidii dadka xayaysiiya kale ay uga qaybqaataan, waqtigii la ballan-qaado la helo oo ka go’naansho yeeshaan.”

Siyaasiyiinta Soomaaliyeed ma ahan kuwa ugu horreeya ee ka qayb qaata xayaysiinta ganacsi. Madaxweynaha Mareykanka, Donald Trump, ayaa sanadkii 2024 xayaysiin u sameeyay maqaaxida caanka ah ee McDonald’s, isaga oo muddo saacado ah ka shaqeynayay maqaaxidaas. Tani waxay muujineysaa sida siyaasiyiinta caalamiga ah ay u xiiseynayaan inay ka qaybqaataan xayaysiinta, iyo sida ay uga faa’iideysan karaan suuqyada xayaysiinta.

Haddii xaalka sidan ku sii socdo, waxaa u muuqata in siyaasiyiinta Soomaaliyeed ay tartan xoogan kala kulmi doonaan fanaaniinta iyo jilaayaasha suuqa xayaysiinta, taasoo ka dhigi karta in xayaysiinta siyaasiyiinta ay noqoto qayb muhiim ah oo ka mid ah suuqa xayaysiinta ee Soomaaliya.

Share this article

Recent posts

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here