Sunday, May 25, 2025

Wasaaradda Kalluumeysiga oo Ka Digtay Xaaladaha Badda.

Muqdisho, 24 Maajo 2025 – Wasaaradda Kalluumeysiga iyo Dhaqaalaha Buluugga ah ee Soomaaliya ayaa si rasmi ah ugu baaqday dhammaan kalluumeysatada iyo shacabka Soomaaliyeed inay ka feejignaadaan xaaladaha badda ee kacsan (Jiidmaal), kuwaas oo khatar weyn ku ah badbaadada doomaha iyo dadka ku sugan badda.

Wasaaradda ayaa digniin adag u dirtay dhammaan doomaha yaryar ee ku sugan badda, iyadoo ku wargelisay in xaaladda badda ay hadda tahay mid aad u kacsan, taas oo sare u qaadi karta halista shilalka iyo waxyeelada ka soo gaari karta doomaha iyo kalluumeysatada. Waxaa la faray inay si gaar ah uga digtoonaadaan inay sir joogaan inta lagu jiro xilligan kacsanaanta badda.

Sidoo kale, wasaaradda ayaa ugu baaqday shacabka inay ka fogaadaan dhaqdhaqaaqyada xeebaha ku dhow, sida dabaasha iyo in la agdhawaado xeebaha, si looga hortago halista ka dhalan karta mowjadaha xooggan iyo cimilada aan degganayn ee waqtigan ka jirta badweynta.

Sida lagu sheegay warsaxaafadeedka wasaaradda:
“Waxaan si gaar ah xilligan badda kacsan tahay u digeynaa dhammaan doomaha yaryar inay ka fogaadaan badda inta lagu jiro xilligan Jiidmaalka, maadaama ay jirto khatar sare oo shilal ah. Waxa kale oo aan ugu baaqeynaa dadka inay ka fogaadaan xeebaha ku dhow waqtigan,” ayaa lagu yiri warsaxaafadeedka.

Wasaaradda ayaa ku boorisay dadka inay si taxaddar leh ula socdaan digniinaha cimilada iyo xaaladaha badda, ayna raacaan tilmaamaha amniga si looga badbaado musiibo kasta oo dhici karta.

Share this article

Recent posts

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here