Thursday, June 5, 2025

Soomaaliya iyo Turkiga oo sheegay inay Xoojinayaan Iskaashigooda

MUQDISHO, Soomaaliya – Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud iyo Madaxweynaha Turkiga Recep Tayyip Erdoğan ayaa xoojiyey iskaashiga labada dal ee dhinacyada tamarta, amniga, iyo dagaalka ka dhanka ah kooxaha Daacish iyo Alshabaab, sida lagu xaqiijiyey wada hadal telefoon oo dhexmaray labada hoggaamiye.

Madaxtooyada Turkiga ayaa xalay ku dhawaaqday in Erdoğan uu telefoon kula hadlay Madaxweynaha Soomaaliya, iyagoo ka wadahadlay xoojinta xiriirka istiraatiijiga ah ee labada dal, arrimaha gobolka, iyo iskaashiga caalamiga ah.

Madaxtooyada Turkiga ayaa sheegtay in Erdoğan uu mar kale cadeeyay go’aanka Turkiga ee taageerada horumarka Soomaaliya, gaar ahaan dhinaca dimuqraadiyadda, wuxuuna ballan qaaday in taageerada Turkiga ee Soomaaliya ee dagaalka ka dhanka ah Daacish iyo Al-Shabaab ay sii socon doonto.

Sidoo kale, Erdoğan ayaa tilmaamay iskaashiga rajo leh ee ka dhexeeya Turkiga iyo Soomaaliya dhinacyada tamarta iyo kalluumeysiga, isagoo carrabka ku adkeeyay in iskaashigan uu sii kordhayo.

Madaxweynaha Xasan Sheekh Maxamuud ayaa dhankiisa qoraal uu bartiisa X ku baahiyey muujiyey qaddarintiisa taageerada joogtada ah ee Madaxweynaha Erdoğan iyo ballanqaadka Turkiga ee sare u qaadista caawimaadda millateri ee Soomaaliya.

Wadahadalkan taleefanka ah ayaa imaanaya iyadoo Soomaaliya iyo Turkiga ay leeyihiin iskaashi ballaaran oo ku saabsan tamarta, amniga, iyo dagaalka ka dhanka ah kooxaha Soomaaliya ka dagaallama.

Share this article

Recent posts

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here